Muqdisho oo laga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha

Image
Hal ku dhegga sanadkan ayaa ahaa “Xuquuqdeena, Mustaqbalkeena, Wakhti Xaadirkan”.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay xuska Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo sanad guuradii 76-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha. 

Hal ku dhegga sanadkan ayaa ahaa “Xuquuqdeena, Mustaqbalkeena, Wakhti Xaadirkan” taasi oo diiradda lagu saarayo ahmiyadda ay xuquuqda aadanaha u leedahay nolol maalmeedkeena, si xal loogu helo caqabadaha ku horgudban xuquuqda aadanaha iyo baahida loo qabo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda bulshooyinka.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labbaad, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali-Dhaay ayaa ka hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii loo xoojin lahaa is-dhexgalka caalamiga ah ee arrimahan la xiriira.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socotay Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM