Muqdisho oo lagu qabtey Shirka Ka Hortagga Leexsashada Gargaarka

Image
Hay'adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha mucaawinada ayaa kulankan kasoo muuqdey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa daah-furay shirka Dib-u-eegista Tallaabooyinka Ka Hortagga Leexsashada Gargaarka oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda SoDMA, kaasoo ay ka qeyb galayaan Wasiirrada gargaarka ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo maamulka Khaatumo, madax ka socota gobolka Banaadir, hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka xubno matalaya Ururrda maxalliiga ah ee bani’aadannimada, culimada Soomaliyeed iyo Rugta Ganacsiga.

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galayaasha ku soo dhaweeyay shirka ayaa sheegay in isku imaatinkaan uu ahmiyaad gaar ah u leedahay in la aqoonsado muhiimadda ay leedahay in gargaarka bani’aadannimo uu u gaaro dadka loogu tala-galay, isagoo aad ugu dheeraaday raadadka iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta marka gargaarka loo weeciyo musuqmaasuq ama lagu wajaho maamul xumo.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhinacyadu ka wada shaqeeyaan xoojinta isla xisaabtanka, daah-furnaanta, kormeerka iyo qiimeynta hababka bixinta gargaarka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta arrimaha maamul wanaagga, horumarinta xeerarka anshaxa, iyo dhisidda awoodda hay’adaha dowliga ah ee ku aaddan bixinta gargaarka.

“Saamaynta ka dhalan karta leexsashada gaargaarka waa mid aad u xun, waxayna horseedeysaa dhibaatooyin hor leh iyo inay sii xumaato xaaladda nololeed ee dadka nugul”, ayuu khudbadiisa ku yiri Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM