Muqdisho: Qarax ka dhacay isgoys mashquul badan

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro - dhimasho iyo dhaawac - ayaa lasoo wariyey markii gaari lagu qarxiyey isgoyska mashquulka badan ee Taleex ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in firirka qaraxa ay waxyeelo daran u geysteen dhismeyaal Wali ma cadda bartilmaameedka. Sidoo kale, ma jirto koox sheegatay.

"Gaariga noociisu waa Toyota Prado. Mala kala ogga in miinada lagu soo xiray baabuurka iyo in ay meesha taalay oo ay ahayd nooca hormuudka lagu hago," ayuu yiri goobjooge.

Ciidamada ammaanka oo goobta si deg-deg ah ku gaarey ayaa si kooban waxaa looga soo xigtey in ay sameynayaan baaritaan ay ku xaqiijinayaan nooca qaraxa iyo cidda ka dambeysay.

Weerarada noocaan ah ee ka dhaca caasimada Soomaaliya iyo magaalooyinka kale waxaa had iyo goor dusha u rita maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacidda.

Dhanka kale, isla caawa ciidamadda howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM ee fariisinkoodu tahay xerada garoonka Aadan Cade ayaa lagu waramay in ay burburiyeen qaraxyo ay gacanta ku dhigeen

Al-Shabaab ayaa aalaba waxay sarre u qaadaa falalka liddiga ku ah nabad-gelyada mar walba oo ay soo dhawaato doorashadda iyadda oo uga dan leh in ay ku carqaladeyso geedi-socodk nabdoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM