Muqdisho: Qarax lagu weeraray taliye saldhig boolis

Image
Weli mas’uuliyiinta maamulka degmada Kaaraan kama hadlin weerarka qaraxa ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax miino ayaa sabtida maanta ah lala beegsadey gaari uu la socdey taliyaha saldhiga booliska degmada Kaaraan, Salaad Caraale, sida uu sheegay goobjooge ku sugan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka Masjidka Turkiga oo u dhow isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaas, waxaana goobta isku geedamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale qaraxan uu saameyey dhaq-dhaqaaq wadda dheer isku xirta isgoyska Fagax iyo xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Weli mas’uuliyiinta maamulka degmada Kaaraan kama hadlin weerarka qaraxa ah, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Ma jirto koox sheegatay qaraxaan oo qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo todobaadyadii lasoo dhaafay  siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Amni darrada ka jirta caasimada ayaa waxaa loo sababeynayaa xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro iyo mashquulka doorashooyinka ka socda Soomaaliya inkastoo dhacdooyinka noocaan ah looga bartey Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM