Muqdisho: Sarkaal loo xiray weerar lagu qaaday diyaarad oo dhintey

Image
Weerarkii diyaaradda Daalllo Airlines oo dhacay labadii Febraayo 2016 ayaa aad u qabsatay warbaahinta caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiweli Maxamed Macow, madaxii hore ee amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa isbitaal ku geeriyooday lix sano kadib markii loo xiray kiis weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday diyaarad ka duushay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Cabdiweli ayaa waxaa lagu helay dambi ah inuu gacan ka gaystay dusinta bam lagu soo dhex-qariyey Laptop kaasi oo ku qarxay diyaaradda Daallo Airlines, balse aan gaysan waxyeelo aad u weyn February 2016 kaas oo caalamka ka yaabiyay.

Cabdiweli ayaa waxa uu qaadanayey xabsi daa’in lagu xukumay, hase yeeshee waxaa isbitaal la geeyey kadib markii uu aad ugu xanuunsaday xabsiga, sida ay saraakiisha amaanka u sheegeen Garowe Online.

Warsimaha Garowe Online oo xiriiray xubno ku dhow qoyska sargaalka geeriyooday mahelin jawaab deg deg ah oo ku saabsan dhimasha wiilkooda.

Weerarkii diyaaradda Daalllo Airlines oo dhacay labadii Febraayo 2016 ayaa aad u qabsatay warbaahinta caalamka, wuxuuna kashiftay mid ka mid ah xeeladaha ugu weyn ee loo adeegsan karo in lagu qarxiyo diyaardaaha.

Laptop-ka ayaa qarxay 20 daqiiqo kadib markii ay kacday diyaaradda Daallo oo ku socotay magaalada Jabuuti, waxaana ku dhintay hal qof oo la tuhunsan yahay inuu ahaa qofkii waday ee fuliyey qaraxa.

Diyaaradda ayaanay gaarin waxyeello badan waxayna awood u yeelatay inay dib ugu soo laabato garoonka Aadan Cadde si ay u caga dhigato.

Maxamed Ibraahim Yaasiin Colaad oo ahaa madaxda shirkadda Daallo xilligaas ayaa sheegay in qofka qaraxa fuliyey iyo rakaabka diyaaradda saarnaaba ay ku qornaayeen in ay raacaan diyaaradda Turkish Airlines, balse cimilada oo xun darteed ay soo gaari weysay Muqdisho.

Sidaas darteed diyaaradda Daallo Airlines ayaa laga codsaday in ay shacabka gayso Jabuuti, si ay diyaaradda Turkish Airlines halkaas uga qaado.balse wixii xilligaasi ka dambeeyay shakiga ayaa ahaa mid xooggan waxaana baaritaan dheer la mar siinaayay qalabka Electaroniga ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo 11 maalmood kadib ah sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, ayada oo sheegtay inay beegsaneysay diyaaradda Turkish Airlines, sababtuna ay tahay in Turkey ay xubin ka tahay gaashaanbuurta NATO ee reer galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 01:21AM

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM