Muqdishu: Qalabka lagula soconayo Hawada Somalia oo Rakibaadiisu bilaabatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia, ayaa muddo 27 sano ah kadib la wareegi doonta maamulka hawadeeda kadib markii magaalada Muqdishu la keenay Qalab casri ah oo lagula soconayo dhaq-dhaqaaqa isticmaalka hawada dalka.

Xarunta hay'adda Saadaasha iyo Duuliista hawada Somalia, ayaa qalabkan oo dhawaan laga keenay dalka Kenya lagu rakibayaa, waxaana xukuumaddu muujisay rajo wanaagsan iyo tallaabo horay loo qaaday.

Wasiirka Wasaaradda Duuliista hawada Somalia, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo warbaahinta kula hadlayay goobta qalabkaasi lagu rakibayo ayaa sheegay in dhawaan lasoo gaba gabayn doono shaqada qalabkaasi lagu rakibayo.

Oomaar ayaa xusay in qalabkan uu yahay mid Casri ah oo saamaxaya in dowladdu si Madax bannaan u maamusho hawadeeda.

Hey’ad hoos timaada Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo ICAO, ayaa maamuleysay hawada Somalia tan iyo bur burkii dowladdii dhexe.

Dadaalada lagusoo wareejiyay qalabkan ayaa soo socday muddo dheer.

Qaar kamid ah shacabka Somaliyeed ayaa soo dhaweeyay tallaabadaas iyagoo muujiyay inay soo ifbaxday rajo dowladnimo iyo in markale Somalia u madax-bannaanaato arrimaheeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM