Muranka doorashada: Swan oo ka digay xeelado la adeegsanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga gaarka ah ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya, James Swan, ayaa sheegay in "xeelado khatar ah" la isku adeegsanayo khilaafka doorashooyinka Soomaaliya "halkii wadahadal iyo isu-tanaasul lagu xalinayo is-qabqabsiga la aadi lahaa".

Diblumaasiga Ameerikaanka ah oo aan fahfaahin dheeraad ah ka bixin "qidadahaas khatarta ku ah mustaqbalka waddanka" ayaa rumeysan in ay dab kusii shidayaan is-mari-waaga waqti xaadirkan taagan.

Swan oo hadalkan ka sheegay kulankii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Insiintii ka yeeshay dalka ayaa ku nuux-nuux-saday baahida loo qabo in madaxda ay miiska wadaxaajoodka isugu yimaadaan isla markaana ay u turaan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Xiisada siyaasadeed ee isa soo taraya waxa ay halis galinayaan horumarka dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xataa ammaanka haddii aan lagu xallin wadahdal iyo isu tanaasul iyada oo la eegayo danta dalka. Nasiib darro, taas bedelkeeda waxaan arkeynaa istaraatijiyadu, xeeladdo cadaadis iyo tijaabooyin xoojinaya khataraha," ayuu hadaljeedintiisa ku sheegay Swan.

Hadalka James Swan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iclaamiyey shir ay yeelanayaan madaxda dowladda iyo maamuladda isaga oo aan dhinacyadda ka qeybgalaya ka talogelin goobta iyo goorta uu dhacayo.

Midowga Musharaxiinta oo sheegay in Farmaajo aysan u aqoonsaneyn madaxwayne sharci ah ayaa iclaamiyey mudaaharaad qabsoomaya Jimcadda todobaadkan, talaabadaas waxay u muuqataa mid ay ku xoojinayaan cadaadiska ka dhanka ah Madaxtooyadda Soomaaliya.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa shuruudo horleh waxay ku xireen in ay dib dambe miiska wadahadalka ula fariistaan Farmaajo.

Shuruudaha waxaa kamid ah; in goob ammaan ah lagu qabto shirarka soo aadan, damaanad-qaad Beesha Caalamka ka bixiso fulinta arrimaha lagu heshiiyo, xil ka qaadista taliyeyaasha ciidamadda milatariga, booliska iyo sirdoonka, iyo in saamileyda kawada qeyb-gasho wadaxaajoodka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM