Murashaxiinta mucaaradka Jubbaland oo guddi doorasho ku dhawaaqay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Murashaxiinta mucaaradka ah ee doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay sameysteen guddi ay sheegeen in uu doorasho u qaban doono.

Guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa magacaabay Golaha Badbaadada dowlad goboleedka Jubbaland kaasi oo looga dhawaaqay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Sidda ku xusan war–saxaafadeed kasoo baxay golahaasi uuna ku saxiixan yahay Axmed Jaamac Maxamed, gudoomiyaha guddiga fulinta golahaasi, xubnaha waxaa haween ka ah saddex shaqsi.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysa iyadda oo hogaanka maamulka Jubbaland uu horey shaacisay in doorashadda ay qabsoomeyso bisha August ee sanadkan 2019.

Siyaasiyiinta oo kasoo horjeeda maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horey u soo bandhigay tobban shuruud oo ay tibaaxeen in ay uga qeybgalayaan coddeynta.

Shuruudaha oo ay u gudbiyeen caalamka ayaa waxaa qeyb ka ah in la bedelo guddiga haatan shaqeynaya, kaasi oo ay ku tilmaameen mid fulinaya danaha Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa waxay haatan u muuqataa mid galeysa mar-xalad siyaasadeed oo horleh, waxaana aanan la ogeyn qaabka uu maamulka hadda jira uga fal-celin doono arrintan.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM