Murashaxiinta mucaaradka Jubbaland oo guddi doorasho ku dhawaaqay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Murashaxiinta mucaaradka ah ee doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay sameysteen guddi ay sheegeen in uu doorasho u qaban doono.

Guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa magacaabay Golaha Badbaadada dowlad goboleedka Jubbaland kaasi oo looga dhawaaqay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Sidda ku xusan war–saxaafadeed kasoo baxay golahaasi uuna ku saxiixan yahay Axmed Jaamac Maxamed, gudoomiyaha guddiga fulinta golahaasi, xubnaha waxaa haween ka ah saddex shaqsi.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysa iyadda oo hogaanka maamulka Jubbaland uu horey shaacisay in doorashadda ay qabsoomeyso bisha August ee sanadkan 2019.

Siyaasiyiinta oo kasoo horjeeda maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horey u soo bandhigay tobban shuruud oo ay tibaaxeen in ay uga qeybgalayaan coddeynta.

Shuruudaha oo ay u gudbiyeen caalamka ayaa waxaa qeyb ka ah in la bedelo guddiga haatan shaqeynaya, kaasi oo ay ku tilmaameen mid fulinaya danaha Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa waxay haatan u muuqataa mid galeysa mar-xalad siyaasadeed oo horleh, waxaana aanan la ogeyn qaabka uu maamulka hadda jira uga fal-celin doono arrintan.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM