Murashaxiinta mucaaradka Jubbaland oo soo saarey liis Xildhibaano ah

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Wax u muuqda ijiid-aan-ku-jiido ayaa ka soconaya degaanadda Jubbaland taasi oo ku aadan soo xulista Xildhibaanadda baarlamaanka labaad ee maamulkan.

Tani ayaa soo if-baxday markii laba liis Xildhibaano oo kala duwan ay soo kala saareen Guddiga Doorashada ee uu Axmed Madoobe magacaabay iyo murashaxiinta mucaaradka.

Xubnaha kasoo horjeeda madaxweynaha haatan ee Jubbaland ayaa soo saarey liis Xildhibaano oo ka kooban 75 mudane, iyaga oo u muuqda in ay kasoo horjeeda liiskii hore oo 73 ah.

Is-qabqabsigan ayaa kusoo hagaagaya xili lagu wado in doorashadda madaxweynaha iyo tan baarlamaanka Jubbaland ay qabsoonto horaanta bartamaha bishan August 2019.

HOOS KA AKHRISO LIISKA XILDHIBAANADA MUCAARADKA

Image

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM