Mursal oo amar dul-dhigay guddiga diyaarinta Sharciga Doorashooyinka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah la kulmay Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo uu Axadii magacaabay.

Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen inta badan xubnaha guddigaasi, oo ka kooban 15-xubnood oo laba kamid ah ay haween yihiin, ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay dardargelinta howlaga guddigaasi.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa sidda laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, waxa uu faray guddigan in ay muddo 60-casho ah kusoo gabagabeeyaan isku dabaridka xeerkaasi.

Sharcigaasi ayaa waxa uu bud-dhig u yahay coddeynta la rajeynayo in ay dalka ka qabsoonto 2020-21, taasi oo la filayo in ay noqoto doorasho ka gedisan kuwii sanadihii lasoo dhaafay waddanka ka qabsoomaya.

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa haatan horyaala Sharci doorasho kaasi oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiiradda balse waxaa ka hor-yimid qaar kamid ah dowlad goboleedyadda dalka ka jira.

Ma cadda hadii guddigan oo mid ku meel gaar ah ay diyaarin doonan sharci cusub ama in ay dib u eegis ku sameyn doonan xeerkaasi ay qaadaceen maamuladda.

Dhanka kale, Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage oo cilmi baaris kasoo saarey doorashooyinka 2020-ka ayaa wuxuu soo jeediyay afar nooc doorasho oo waddanka ka qabsoomi karta.

HALKAN HOOSE KA DAAWO DARAASADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM