Mursal oo difaacay xorriyada hadalka xili DF lagu eedeeyo caburin

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay ka qeyb galay munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo Israacii Koonfur iyo Waqooyi.

Munaasabada oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Muqdisho ayaa guddoomiye Mursal waxa uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay muhiimada ay leedahay xuska 1-da Luulyo iyo halgankii loo soo maray calanka.

Ugu horeyn, Mr Mursal ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu ugu hambalyeeyay xuska maalintaan, oo si isku mid ah looga xusay guud ahaan gobolada wadanka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalintaan qiimaha badan, waxaan leeyahay hambalyo, sanado badan oo farxad iyo hormar ayaa rajeynaya in la gaaro, waa waajib inaan xasuusano una Mahad celino geesiyaasha naftooda inoo huray ee halkaan na soo gaarsiiyay," ayuu yiri.

Isaga oo hadlaya ayuu madasha kusoo bandhigay dhowr su'aallo oo uu xusay in shacabku ay is-weydiinayaan markay timaado maalintaan iyo xuska ku aadan xorriyadda.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad maskax furan marka la barbar dhigo bulshooyinka kale ee caalamka, waxaan aaminsanahay in hadii dadka Soomaaliyeed fikirkooda la dhageysto oo aan la fara gelin iney si deg deg ah usoo kaban karaan," ayuu raaciyey.

Dhawaqan kasoo yeeray Mursal ayaa waxa uu imaanayaa xili xukuumada uu hogaamiyo Farmaajo lagu eedeeyo in ay caburiso dadka ka aragtida iyo saxaafadda madaxa banaan.

Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaliilaa in ay lacago laaluush ay u qortey qaar kamid ah warbaahinta si aysan u baahin wararka lidiga u ah xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM