Mursal oo ka hadlay Xildhibaanno sheegay in lagu xad-gudbey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanno sheegay in maanta ciidamada dowladda is-hortaag ku sameeyeen xilli wadooyinka ay xirnaayeen ayaa dacwad u gudbiyay gudoomiyaha katirsan Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Mursal oo ka hadlayay fadhigii maanta ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay ashtako ay usoo gudbiyeen dhowr Xildhibaanno oo ciidamada jidadka xiray u diidey inay ka gudbaan baraha koonatarooladda, xilli ay gollaha shacabka kusii jeedeen.

Gudoomiyaha ayaa ku amray guddiyada amniga iyo difaaca Gollaha Shacabka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan ishor-istaagga ay sheegeyaan Xildhibaanada in ciidamada amniga dowladda ku sameeyeen, kadibna ay kasoo saaraan warbixin dhameystiran.

Xildhibaanada dacwadda gudbiyay oo lagu qiyaasay illaa 10, ayaa waxaa kamid ah Mahad Salaad iyo C/qaadir Maxamed Cismaan [Faliij], kuwaasoo dalbanaya in taliyayaasha ciidamada amaanka dowladda su'aallo laga waydiiyo kiiskooda.

Dhacdada noocan ah, ayay la kulmaan Xildhibaanada inta badan marka ay wadooyinka Muqdisho xiran yihiin, iyadoo ciidamada ku sugan baraha Koontaroollada ay isku dhacaan kuwa ilaalada u ah Xildhibaanada, oo lagu eedeeyo inay amar diido sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM