Mursal oo ka hadlay Xildhibaanno sheegay in lagu xad-gudbey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanno sheegay in maanta ciidamada dowladda is-hortaag ku sameeyeen xilli wadooyinka ay xirnaayeen ayaa dacwad u gudbiyay gudoomiyaha katirsan Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Mursal oo ka hadlayay fadhigii maanta ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay ashtako ay usoo gudbiyeen dhowr Xildhibaanno oo ciidamada jidadka xiray u diidey inay ka gudbaan baraha koonatarooladda, xilli ay gollaha shacabka kusii jeedeen.

Gudoomiyaha ayaa ku amray guddiyada amniga iyo difaaca Gollaha Shacabka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan ishor-istaagga ay sheegeyaan Xildhibaanada in ciidamada amniga dowladda ku sameeyeen, kadibna ay kasoo saaraan warbixin dhameystiran.

Xildhibaanada dacwadda gudbiyay oo lagu qiyaasay illaa 10, ayaa waxaa kamid ah Mahad Salaad iyo C/qaadir Maxamed Cismaan [Faliij], kuwaasoo dalbanaya in taliyayaasha ciidamada amaanka dowladda su'aallo laga waydiiyo kiiskooda.

Dhacdada noocan ah, ayay la kulmaan Xildhibaanada inta badan marka ay wadooyinka Muqdisho xiran yihiin, iyadoo ciidamada ku sugan baraha Koontaroollada ay isku dhacaan kuwa ilaalada u ah Xildhibaanada, oo lagu eedeeyo inay amar diido sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM