Museveni: Hub waan siineynaa Soomaaliya balse ha isku tashato

Image
Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Uganda ayaa shalay waxay ku kulmeen madaxtooyada Entebbe ee Kampala.

KAMPALA, Uganda - Madaxweyne Yuweri Museveni ayaa u ballan qaaday dhigiisa Soomaaliya in Uganda ay sii wadi doonto kaalmada milateri ee ay siiso dalka si ay ula dagaallamaan Xarakada Al-Shabaab, balse uu dalku u qalmo in uu amnigiisa dhisto.

Musaveni ayaa madaxtooyada Entebbe kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay kawada qeybgaleen dabaaldegga sanad-guuradda 60aad ee xorriyadda Uganda.

Museveni oo khudbad ka jeediyey wadaxaajoodyada ayaa sheegay in Uganda ay Soomaaliya ka caawin doonto xaalad walba si loo xaliyo caqabadaha amni ee ka jira Soomaaliya.

"Waan sii wadi doonnaa in aan siino Soomaaliya hubka si ay wax uga qabato amni darrada, madaxda goobahan waa ay sii hubeynayaan, waa in aad qorshe ka sameysaan sidii aad u dhisi lahaydeen ciidankiina, dadku waxa ay mudan yihiin in ay dhistaan ciidankooda si ay naftooda u difaacaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Madaxweynaha Soomaaliya Mahamud ayaa carabka ku adkeeyay in Midowga Afrika uu uga mahadcelinayo ciidamada ay u soo direen Soomaaliya si ay ula dagaalamaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Waxaan u mahadcelineynaa ciidamada Uganda iyo kuwa UPDF oo kaalin weyn ka qaatay adkeynta amniga Soomaaliya, waxaan qaadnay tallaabo weyn oo aan ku xoojinayno nafteena iyo wadashaqeynta Soomaaliya," ayuu tibaaxay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa rajeynaya in bilaha soo socda ciidamada xoogga ay wiiqaan Al-Shabaab. Dalka oo dhan waxaa haatan ka soconaya kacdoon shacabka ku doonayo in uu kusoo gabgabaeeyo maleyshiyadda, sidda dowladdu xustey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM