Museveni: Hub waan siineynaa Soomaaliya balse ha isku tashato

Image
Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Uganda ayaa shalay waxay ku kulmeen madaxtooyada Entebbe ee Kampala.

KAMPALA, Uganda - Madaxweyne Yuweri Museveni ayaa u ballan qaaday dhigiisa Soomaaliya in Uganda ay sii wadi doonto kaalmada milateri ee ay siiso dalka si ay ula dagaallamaan Xarakada Al-Shabaab, balse uu dalku u qalmo in uu amnigiisa dhisto.

Musaveni ayaa madaxtooyada Entebbe kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay kawada qeybgaleen dabaaldegga sanad-guuradda 60aad ee xorriyadda Uganda.

Museveni oo khudbad ka jeediyey wadaxaajoodyada ayaa sheegay in Uganda ay Soomaaliya ka caawin doonto xaalad walba si loo xaliyo caqabadaha amni ee ka jira Soomaaliya.

"Waan sii wadi doonnaa in aan siino Soomaaliya hubka si ay wax uga qabato amni darrada, madaxda goobahan waa ay sii hubeynayaan, waa in aad qorshe ka sameysaan sidii aad u dhisi lahaydeen ciidankiina, dadku waxa ay mudan yihiin in ay dhistaan ciidankooda si ay naftooda u difaacaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Madaxweynaha Soomaaliya Mahamud ayaa carabka ku adkeeyay in Midowga Afrika uu uga mahadcelinayo ciidamada ay u soo direen Soomaaliya si ay ula dagaalamaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Waxaan u mahadcelineynaa ciidamada Uganda iyo kuwa UPDF oo kaalin weyn ka qaatay adkeynta amniga Soomaaliya, waxaan qaadnay tallaabo weyn oo aan ku xoojinayno nafteena iyo wadashaqeynta Soomaaliya," ayuu tibaaxay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa rajeynaya in bilaha soo socda ciidamada xoogga ay wiiqaan Al-Shabaab. Dalka oo dhan waxaa haatan ka soconaya kacdoon shacabka ku doonayo in uu kusoo gabgabaeeyo maleyshiyadda, sidda dowladdu xustey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM