Musharaxiinta madaxtinimadda oo laba saf kala noqdey

Image
Garowe Online ayaa helay xogta kulamadda isbaheysiga cusub ee sameysay kadib doorashadda guddoonka labadda aqal.

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo ay kamid tahay sunada siyaasadda, Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa durba laba saf kala noqdey kahor inta aan la gaarin sanduuqa cod-bixinta doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya.

Dildilaacan oo si weyn looga dareemayo baraha bulshadda ayaa kusoo beegmaya ka gadaal markii la doortey hogaanka Labada Aqal ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn ugu jabay loolanka guddoonka xeer-dejinta. Mucaaradka ayaa si aqlabiyad leh ula wareegay hogaanka labadda gole.

Dharbaaxadan ayaa nidaamka Nabad iyo Nolol ku qasabtey in ay deg-deg u shiraan. Warar kasoo baxay kulamaddan waxay tibaaxayaan in doodaha la isla soo qaadey ay qayb ka tahay in Farmaajo uusan mar kale u ordin qabashadda xilka.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in Fahad Yaasiin Daahir oo ah lataliyaha dhanka ammaanka Farmaajo uu u socdaalay Qadar. Xukuumadda Dooxa waxay maalgelisay ololihii Farmaajo ee 2017-kii waxayna u ahayd garab inta uu xafiiska joogay.

Isbaheysiga cusub ee mucaaradka

Lama ogga ujeedada socdaalka Fahad ee Qadar. Balse, warbixino sirdoon waxay sheegayaan in safarkan uu daaran yahay in ay Dooxa ka fekerto musharaxa cusub ee ay afarta sano ee soo aadan u dhisayaan Villa Soomaaliya.

Illo wareedyo ku dhow kulamadda ay yeesheen madaxda is-xulufeysiga cusub ee mucaaradka ayaa xusaya in ay isku-fahmeen in ay la dagaalamaan kooxda Farmaajo iyo cid kasta oo ay u arkaan in ay wadashaqeyn soo dhex-martey.

"Heshiiska qeyb ahaan wuu shaqeeyay doorashadda guddoonka labadda gole. Hase ahaatee, waxaa jira dildilaac iyo kala shaki xubnaha qaar. Balse, su’aal ayaa ka taagan in ay ku guuleysan doonan coddeynta madaxweynaha," ayuu yiri qof si dhow ula socdey is-fahamka.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in arrimaha la isku fahmay ay ku jirto kala qeybsiga xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dowladda ee soo socota haddii midkood uu ku guuleysto xilka madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Kala furashada musharaxiinta madaxweynaha ayaa soo jireen ahayd doorashooyinkii Soomaaliya sanadihii dambe balse waxaa dhif ahayd in mucaaradka dhexdiisa ay u midoobaan sidii ay daaqadda uga saari lahaayeen xubno halgalka la galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM