Musharaxiinta oo 3 qodob ku dalbadey qoraal ay direen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa qoraal ay u direen wasiiro arrimo dibadeedyo iyo madaxda ururo caalami ah ku dalbadey saddex qodob oo culus.

Dhinacyadda ay qoraalka u direen musharaxiinta ayaa kala ah; Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Sidda ku xusan qoraalkaas oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, musharaxiinta waxay aaminsan yihiin in qodobadaas ay xal u noqonayaan is-faham-waaga haatan taagan.

Qodobadaas ayaa kala ah;

1 - In Farmaajo uu mas’uuliyadda amniga iyo arrimaha doorashada ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha

2 - Inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada ee ku lugta leh weerarka shacab si nabdoon u dibad-baxayey iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka, uuna ka joojiyo ciidamada inay siyaasad ku lug yeeshaan

3 - Inuu ballaariyo saaxada siyaasadda, sidaas darteedna kulamada, dibad-baxyada iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee nabadeed la qaban karo ayada oo wax xanibaad ah aysan saarin dowladda

Warqadaas ayaa lagu sheegay in dooda ku saleysan in Farmaajo xukunka sii joogayo inta laga helayo bedelkiisa aysan sax ahayn isla markaana dastuurka xeerinayo cidda xilka sii hayneysa.

"Doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid beddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ay ah sababta ugu weyn ee dib u dhigtay hanaankii doorasho," ayay qoreen.

Darafyadda ay qoraalka gaarsiiyeen ayay ka dalbadeen in ay soo farageliyaan kala aragti-duwanaanta isla markaana ay gacan ka geystaan sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa khilaafka jira.

Farmaajo ayay si gaar ah ugu eedeeyeen in uu carqaladeynayo geedi u socodka doorashooyinka isla markaana uu "arbushayo dedaaladda xalka lagu goobayo ee xukuumadda iyo maamul goboleedyada".

Ugu dambeyntii, xorriyadda hadalka ayay tibaaxeen in uu jidgooyo u dhigtay maamulka Farmaajo. Ciidamadda ayay xuseen in laga weeciyey la dirirka argagixisada loona wareejiyay arrimo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM