Musharaxiinta oo baaq cusub saartay wadahadalka Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa caddeeyay in ay diyaar u yihiin in uu sii socdo wadahadalka ay la leeyihiin xukuumadda xil-gaarsiinta, sidda uu shaaca ka dhigay afhayeenkooda ahna musharax madaxwayne Daahir Maxamuud Geelle.

Geelle oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa tibaaxay in mabda' ahaan musharaxiintu aaminsan yihiin "in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin".

"Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra'iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro," ayuu Geelle ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Dhawaqa Geelle ayaa kusoo hagaagaya laba maalmood kadib markii uu fashil kusoo dhamaadey wareegga saddexaad ee wadahadalka kaasoo diiradda lagu saarey doorkooda wadahadaladda mustaqbalka.

Qodobada kale ee dhinacyadda isku fahmi waayeen ayaa kala ah sidda loo sugayo ammaanka banaanbaxyadda ay musharaxiinta qorsheysanayaan gaar ahaan isu-soo-baxii u qorsheysanaa 6-dii bishaan Maarso, 2021.

Sidda uu sheegay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo musharaxiinta kamid ah, qodobadda kale waxaa qeyb ka ah;

1- In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2- Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.

"Raysalwasaaraha inta uu wax ka qaban karo ha u caddeeyo shacabka Soomaaliyeed, go’aanadeedana ha qaato," ayuu Warsame kusoo gabagabeeyay hadalkiisa, isaga oo cod dheer ku sheegay in musharaxiinta ay amnigooda sugan doonan isla markaana banaanbax ballaaran qabanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Ruushka oo La Geeyay Saldhigga Niger Xilli Ay Joogaan Kuwa Mareykanka

Niger, oo ku taal gobolka Sahel ee Afrika, ayaa loo arkaa xudunta cusub…

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 01:00PM

Soomaaliya oo cashar ka baranaysa qorshaha horumarinta da’yarta ee Finland

Wasiirada Dhalinyarada labada dal ayaa yeeshay fadhi labo geesood ah kaas oo diirada lagu saarey qodobo kala duwan.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:21AM