Guddiga loo saarey baarista kiiska askarta Eritrea oo la diidey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay soo dhaweeyeen guddiga uu ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta u magacaabay baarista kiiska askarta Eritrea.

Balse, golaha oo soo saarey war-saxaafadeed uu arkay Garowe Online kuna taariikheysan 13-ka June, 2021 ayaa sheegay in guddiga ay qeyb ka yihiin "wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumad eedeeysan".

Hase ahaatee, ma aysan bixin tafaasiil ku saabsan eedeynta ay ka dhawaajiyeen iyo magacyadda ay si gaar ah su'aasha u geliyeen dhexdhexaadnimadooda kuwaas oo qeyb ka ah guddigaas.

"Golaha wuxuu ugu baaqayaa Mudane Rooble in si ummadda Soomaaliyeed ay ugu kalsonaadaan gudigaan uu dib u soo magacaabo xubno dhexdhexaad ah oo aan dowladda ka tirsaneeyn sida ururada bulshada rayidka iyo madaxda axsaabta Soomaaliyeed qaarkood oo aan marnaba shaki ka imaan karin madaxbanaanidooda iyo go’aanka ay ka soo saaraan hawl qarameedka loo igmaday," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa ku daray "Dowladda Soomaaliyeed waa in ay ka waantoowdaa jahawareerka iyo marin-habaabinta ay ku hayso ummadda oo ah in ay mar walba gacan-bidixeeyaan oo aaneey si xalaal ah oo muuqata u gudaneyn hawlaha qaran sida dacwadda waalidiinta iyo doorashooyinka dalka".

Musharaxiinta ayaa dalbadey in la bedelo guddigan isla markaana lagu soo daro xubno ka kala socda ururadda bulshadda rayidka iyo siyaasiyiinta "aan marnaba la duri karin dhexdhexaadnimadooda".

Shalay ayay ahayd markii Rooble uu magacaabay guddigan taasoo ka dambeysay markii caasimada ay ka dhaceen banaanbax ay horkacayaan waalidiinta kaasoo ay ku dalbanayaan soo celinta wiilashooda.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM