Guddiga loo saarey baarista kiiska askarta Eritrea oo la diidey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay soo dhaweeyeen guddiga uu ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta u magacaabay baarista kiiska askarta Eritrea.

Balse, golaha oo soo saarey war-saxaafadeed uu arkay Garowe Online kuna taariikheysan 13-ka June, 2021 ayaa sheegay in guddiga ay qeyb ka yihiin "wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumad eedeeysan".

Hase ahaatee, ma aysan bixin tafaasiil ku saabsan eedeynta ay ka dhawaajiyeen iyo magacyadda ay si gaar ah su'aasha u geliyeen dhexdhexaadnimadooda kuwaas oo qeyb ka ah guddigaas.

"Golaha wuxuu ugu baaqayaa Mudane Rooble in si ummadda Soomaaliyeed ay ugu kalsonaadaan gudigaan uu dib u soo magacaabo xubno dhexdhexaad ah oo aan dowladda ka tirsaneeyn sida ururada bulshada rayidka iyo madaxda axsaabta Soomaaliyeed qaarkood oo aan marnaba shaki ka imaan karin madaxbanaanidooda iyo go’aanka ay ka soo saaraan hawl qarameedka loo igmaday," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa ku daray "Dowladda Soomaaliyeed waa in ay ka waantoowdaa jahawareerka iyo marin-habaabinta ay ku hayso ummadda oo ah in ay mar walba gacan-bidixeeyaan oo aaneey si xalaal ah oo muuqata u gudaneyn hawlaha qaran sida dacwadda waalidiinta iyo doorashooyinka dalka".

Musharaxiinta ayaa dalbadey in la bedelo guddigan isla markaana lagu soo daro xubno ka kala socda ururadda bulshadda rayidka iyo siyaasiyiinta "aan marnaba la duri karin dhexdhexaadnimadooda".

Shalay ayay ahayd markii Rooble uu magacaabay guddigan taasoo ka dambeysay markii caasimada ay ka dhaceen banaanbax ay horkacayaan waalidiinta kaasoo ay ku dalbanayaan soo celinta wiilashooda.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM