Musharaxiinta oo ku adkeystay qabashada banaanbaxa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya ayaa waxay ku adkeysteen in ay qabanayaan isu-soo-baxa ay iclaamiyeen Jimcada todobaadka soo aadan isla markaana aysan dheg-jalaq u siin doonin go’aanka kasoo baxay xukuumadda waqtiga uu ka idlaadey.

Afhayeenka Musharaxiinta, Daahir Maxamuud Geelle oo Arbacada maanta ah warfidiyeenka kula hadlay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa go’aanka dowladda ku sifeeyay "sharci darro" wuxuuna ku nuux-nuux-saday in aysan "u hogaan-sami karin isbaaro iyo argagixiso".

Sidda laga soo xigtay Mr Geelle, musharaxiinta ayaa kadib kulan ay maanta ku yeesheen Hotel Jazeera ee Muqdisho waxay isla qaateen in ay mudaaharaadka qabtaan Jimcaha isla markaana uusan dib-u-dhici doonin.

"Nidaamka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Farmaajo waa midka sharciga diidan. Waxaan leenahay fal isbaaro iyo argagixiso uma hogaan-sami doonin. Musharaxiinta waxay isla qaateen in dibad-baxa nabadeed uu qabsoomi doono maalinta Jimcaha," ayuu hadalkiisa ku daray musharaxa.

Iyadda oo cuskaneysa xaalad ammaan iyo safmarka Coronavirus, xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay waxay sheegtay in ay mamnuucdey banaanbaxa isla markaana aysan aqbali doonin "in nolosha dadka halis la geliyo".

Dad badan ayaa talaabadaas waxay ku sifeeyeen in ay tahay mid siyaasadeysan isla markaana dowladda ku carqaladeyneyso banaanbaxa.

Mudaaharaadka ayaa la filayaa in Jimcadda uu ka qabsoomo barxadda Daljirka Daahsoon ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho halkaas oo durba ay dowladda federaalka ah ku daabushay ciidamo ay dooneyso in ay kaga hortagto in dadweynaha ay halkaas isugu yimaadaa maalinta la asteeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM