Musharaxiinta oo lagu tartarsiiyey shaacinta hantidooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya waa in ay dadweynaha la wadaagaan cadadka hantidooda shaqsiga ah kahor inta aan la guda gelin doorashada, sida uu cod dheer ku soo jeediyey musharax kale.

Talaabadan ayaa, sida uu rumeysan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxay sahleysaa in lala xisaabtamo hogaamiyeyaasha la doortey haddii ay sameeyaan ku takrifal awoodeed iyo lunsashada xoolo uu leeyahay qaranka.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo xalay marti ku ahaa Madasha Aragti-wadaaga Garowe Online ee Twitter-ka ayaa carabka ku dhuftay in uu noqon doono qofka ugu horeeya haddii lasoo saaro sharci faraya musharaxiinta arrinkaas.

"Musharixiinta u tartameysa kursiga ugu sareeya Soomaaliya waa in ay shacabka u bandhigaan hantidooda kahor doorashada iyo qabashada xafiiska si loola xisaabtamo hadii ay ku takri falaan hantida shacabka," ayuu ka dhawaajiyey.

Warsame ayaa ka dhawaajiyey in guddiga maamulaya doorashooyinka heer federaal uu awood u leeyahay in uu ku amro musharaxiinta shaacinta hantidooda qaaska ah balse ay kaliya u baahan tahay in heshiis lagu wada noqdo talaabadaas.

"Laakiin waa in aysan noqon aniga intaas ayaan leeyahay sida dad qaarkii ay horey u sameeyeen. Waa in ay noqotaa mid xaqiiqo ku saleysan oo guddi la isla ogol-yahay uu baaritaan ku sameeyo," ayuu hadalkiisa ku daray siyaasiga.

Kala duwanaanshiyo dhanka maaliyada ah ayaa siyaasiyiinta Soomaalida lagu eedeeyaa marka ay xukunka qabtaan iyo cadadka ay haysteen kahor taasoo sarre u qaada warar la xiriira in ay u adeegidda dadka, dalka iyo diinta dhaqaale ka sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM