Musharaxiinta oo shuruud ku xiray turxaanbinta guddiyada

Image

MUQDIHSO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay "dedaalada lagu kala shaandheynayo" guddiyada lagu muransan yahay ee doorashooyinka.

Bayaan ay soo saareen maanta ayay dalbadeen in habraaca uu noqdo mid daahfuran "laguna soo magacaabo xubnaha cusub hanaan ku saleysan heshiisyada" ay gaareen madaxda Soomaalida.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo hagaagaya xilli xubno ka kala tirsan musharaxiinta ay todobaadkii hore siyaabo kala duwan uga hadleen 34 xubnood oo laga saarey liiska guddiyada coddeynta.

Shaqsiyaadkaas laga saarey liiska ayaa kamid ahaa 67 kale oo ay gudbiyeen musahraxiinta ayna dalbadeen in la masaxo maadaama aysan buuxin shuruudaha kamid noqoshada guddiyada.

Xubnahaas laga saarey guddiyadda ayaa lagu eedeeyay in ay daacad u yihiin maamulka Farmaajo, iyo in ay kamid yihiin ciidamadda iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Is-qabqabsiga guddiyada doorashooyinka ayaa kamid ahaa qodobadii ugu cuslaa ee mudada bilooyinka ah dib-u-dhaca ku keenay qabsoomida doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya.

Heshiiska 27-dii May ay Muqdisho ku gaareen madaxda Soomaaliya ayaa xeerinayey in guddiyada laga bedelo dhamaan xubnaha cabashada laga gudbiyey wallow dib-u-dhacdey xilligii loo qabtey.

Bayaanka Golaha Musharaxiinta

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM