Musharaxiinta oo shuruudo adag ku xiray doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay ahayd waxay war qoraal ah kana kooban laba bog ay u direen wakiiladda Beesha Caalamka gaar ahaan kuwa loo yaqaano C6+.

Warqaddaas ayay kusoo bandhigeen shuruudo ay doonayaan in xal deg-deg ah loo diro kahor inta la guda gelin dhaqan-gelinta heshiiska doorashada.

Shuruudaha oo tiradooda ay tahay sided bog ayaa kala ah;

In la sameeyo guddi madax-banaan oo baaritaan ku sameeya weerarkii hoteelka ay ku sugnaayeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud si lamid ah rasaastii lagu furay banaanbaxyaasha ay horkacayeen musharaxiinta

In madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka ku wareejiyo Gole Qaran oo ku meelgaarka ah

In heshiis kama-dambeys ah laga gaaro saddexda qodob ee muranku ka taagnaa ee hore u jiray qaab dhismeedka hay’adaha maamulka doorashooyinka, Arrinta Somaliland iyo Arrinta Gobolka Gedo

In Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha inay si toos ah uga qeybqaataan wadahadalada doorashooyinka iyo wadatashiga

In la abuuro jawi siyaasadeed, oo ay ku jirto xorriyadda banaanbaxa, qabashada shirarka, ololaha, dhaq dhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo u adeegsiga warbaahinta qaranka si siman

In Taliyayaasha militariga, booliska iyo sirdoonka inay is casilaan maadaama ay ku lug lahaayeen weeraradii ay dowladda ku beegsatay Midowga Musharaxiinta si gaar ahaan kii hoteelka iyo banaanbaxyadda

In la sameeyo jadwal cusub oo doorashada kaasoo ay xuseen in uusan ka dheeraan muddo 60 maalmood ayna ku jirto dammaanad qaad caalami ah, iyadoo la tixgelinayo khilaafaadka soo noqnoqda iyo eedeymaha ku xeeran heshiisyadii hore

In ammaanka doorashooyinka lagu wareejiyo ciidamadda booliska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM laguna kalsoonaan karo bileyska Haramcad

In doorashadda madaxweynaha ay ka dhacdo isla goobtii ay ku qabsoontey 2017-kii oo ahayd xerada ciidamadda cirka ee Afasiyooni

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa horey shaaciyey shuruudo qaarkood ay kala siman yihiin musharaxiinta kuwaasoo ay tibaaxeen in ay ka qeybgalayaan doorashooyinka marka la fuliyo qodobadda ay xuseen in ay xalka u arkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM