Muudey oo loo diidey in uu ka dhaafo garoonka Muqdisho

Image
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa hanjabay kadib dhacdadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaalad kacsanaan ah iyo cabsi iska-hor-imaad ayaa galabnimada Axada maanta ah waxaa laga soo sheegay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Tani ayaa timid markii ciidamo fulinaya amar ka yimid Fahad Yaasiin Daahir ay Cabdiwali Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, ay xayireen socdaal uu ku tagi lahaa Baraawe.

Muudey ayaa doonaya xubinimada Golaha Shacabka. Balse, wararku waxay sheegayaan in kursigiisa loo xiray Maxamedweli C/llaahi Sheekh oo ah qurba-jooh reer Australia.

Fahad wuxuu doonayaa hanashada Xildhibaanimo iyo hanashada jagada uu hayo Muudey. Labada nin ayaa xulafo ku ahaa dhamaan dhacdooyinkii ka dhacay baarlamaanka 5-tii sano lasoo dhaafay.

Isaga oo gudaha madaarka saxaafada kula hadlaya, Muudey oo ku faanay in aanu "ahayn qof loo handadi karo" ayaa ku goodiyey "in aan la isaga daba hari doonin boobka kursigeyga".

"Kursiga qabiil ayaa iska leh. Sax ma ahan in qof la yiraahdo ma tartami kartid. Sax ma ahan in qof loogu diidey in uu safaro iyada oo laga baqayo in uu tartamo," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Maamulka Koonfur Galbeed ayuu ku eedeeyay in uu ku amray diyaaradda in aysan garoonka kasoo qaadi karin Muudey iyo odayaasha la socota "haddii kale lasoo ridi doono diyaarada".

Eedeymaha daahfurnaan la'aanta iyo boobka kuraasta ayaa si weyn u hareeyay doorashooyinka Soomaaliya, waxaana hogaanka haatan jira lagu eedeeyay in uu hormuud u yahay arrinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM