Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Image

Sanca, Yemen – Ugu yaraan dhowr muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa lagu warramayaa in ay ka mid yihiin dadka ku dhintay duqeyn ay Maraykanku geysteen oo lala beegsaday xabsi ku yaalla gobolka Sa’da ee waqooyiga Yemen, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xuutiyiinta Yemen.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu ka dambeeyay weerarka cirka ee lagu qaaday xarunta lagu hayo muhaajiriinta, halkaas oo ay sheegeen in ugu yaraan 68 qof lagu dilay, 47 kalena lagu dhaawacay. Dowladda Mareykanka weli kama aysan hadlin eedeyntan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xuutiyiintu gacanta ku hayaan ayaa sheegtay in xabsigaasi, oo ku yaalla deegaankooda, ay ku xiranayeen in ka badan 100 muhaajiriin Afrikaan ah xilligii la weeraray.

Ibrahim Abdulqadir Ma'alim, oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Yemen una waramay BBC-da, ayaa sheegay inuu booqday goobta weerarku ka dhacay, isagoo xaqiijiyay burbur baaxad leh oo gaaray dhismaha xabsiga.

“Dadka dhintay waa 90, kuwa dhaawacmayna waa 25,” ayuu yiri Ibrahim, inkasta oo uu xusay in tiradaas aan weli si rasmi ah loo xaqiijin. “Waxaa la tuhunsan yahay in 3 ilaa 4 qof oo Soomaali ah ay ku jireen dadka la xidhnaa, balse wali lama helin xaqiijin rasmi ah.”

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta: “Tirada Soomaalida aad bay u yareyd. Dhawr maalmood kahor ayaa badidooda meelo kale loo wareejiyay,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan xaaladda muhaajiriinta Soomaaliyeed ee isku dayaya in ay si sharci darro ah kaga gudbaan xadka Yemen iyo Sacuudi Carabiya, isagoo xusay in dadka deegaanka Yemen ay si dhow ula socdaan xaalada muhaajiriinta Soomaaliyeed.

“Muhaajiriinta aad baan ula soconaa, dad badan ayaa ku dhaawacma ama ku dhinta xadka Sacuudiga. Soomaalida haddii la qabto, mararka qaar waxaa loo gudbiyaa maamulka Yemen si loo badbaadiyo,” ayuu raaciyay.

Telefishinka Al-Masirah oo ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa baahiyay muuqaallo naxdin leh oo muujinaya maydad iyo dhaawacyo yaalla goobta la duqeeyay. Inkasta oo sheegashada Xuutiyiinta aan si madax-bannaan loo xaqiijin, hay’adaha samafalka ayaa hore uga digay xaaladda adag ee lagu hayo muhaajiriinta Afrikaan ah ee ku sugan gudaha Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM