Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Image

Addis Ababa – Sawir lagu faafiyay baraha bulshada maanta oo Axad ah ayaa muujinaya Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Mahad Maxamed Salad, iyo dhiggiisa Itoobiyaan ah, Ridwaan Xuseen, oo ku kulmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Sawirka ayaa muujinaya Mahad Salad oo sharaxaad bixinaya, halka Ridwaan uu si taxadar leh u dhageysanayo iyadoo gacmihiisa ay isugu laaban yihiin. Sida ay qabaan khubaro ku takhasustay akhrinta dhaqdhaqaaqa jidhka ee kulamada noocan oo kale ah, qofka gacmaha isku laaba marka uu dhageysanayo arrin muhiim ah waxa ay muujin kartaa dareen feejignaan, qiimeyn ama su’aal uu ka qabo waxyaabaha la la wadaagayo—taasoo inta badan tilmaan u ah in go’aan cad uusan wali gaarin.

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta la wareegtay deegaan istiraatiiji ah oo difaac u ahaa gobollada Hiiraan iyo Mudug, taasoo muujinaysa khatarta sii kordheysa ee argagixisadu ku hayaan xasilloonida dalka iyo baahida iskaashi sirdoon oo la xoojiyo.

Dhinaca kale, socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA Mahad Salad ee Itoobiya waxa uu imaanayaa toddobaadyo kadib markii ay booqdeen dalka Masar, halkaas oo ay kula kulmeen madaxda sare ee dowladda Masar, oo ay ku jiraan saraakiil sirdoon.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Itoobiya uusan la xiriirin kulanka heer caalami ee arrimaha cuntada, balse uu yahay dadaal diblomaasi oo lagu wajahayo xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. Tani ma aha markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya uu muddo kooban gudaheed kala booqdo labada dal ee Masar iyo Itoobiya.

Xiriirka Itoobiya iyo Masar ayaa si weyn u Xun kadib khilaafka salka ku haya biyo-xireenka Webiga Niil (GERD), taasoo sal u ah dagaalka diblomaasiyeed oo ka dhex aloosan labada dowladood. Waxaa jira tuhun xoogan oo labada dal ee Itoobiya iyo Masar ka qabaan booqashooyinka madaxweyne Xasan ku kala bixinayo labada dal weliba xiliyada xasaasiga ah. 

©Garowe Online

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM