Muxuu Kala Hadlayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Madaxda Khaatumo?

Image

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Laascaanood, halkaas oo uu la kulmi doono madaxda maamulka Khaatumo. Sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu madaxda Khaatumo kala hadli doonaa arrinta maxaabiista Somaliland ee lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu ka codsan doono maamulka Khaatumo in ay sii daayaan maxaabiistaas, iyadoo xogta tilmaamayso in arrintan uu ka balanqaaday xildhibaanno labada gole ee dowladda Federaalka ka tirsan kuwaasoo kasoo jeeda degaanada Somaliland.

Lama oga jawaabta ay madaxda Khaatumo ka bixin doonaan codsigaas, iyadoo ay jiraan maxaabiis tiro badan oo ku jira gacanta maamulka, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamadii Somaliland.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood, oo noqonaysa tii ugu horeysay ee uu ku tago deegaanno ka baxsan Koonfurta Soomaaliya tan iyo intii xilka loo magacaabay, ayaa welwel ka dhalisay maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, wafuud horudhac ah oo ka socda xukuumadda Federaalka ayaa gaaray magaalada Laascaanood, iyadoo ay socoto qabanqaabada booqashada Ra’iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM