Muxuu Khayre kala hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Norway?

Image
Image

OSLO, Norway - Ra'iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo sodcaal ku jooga Norway ayaa wuxuu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Ine Marie Eriksen Søreide.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Khayre, waxay kawada hadleen labada mas'uul arrimo ay kamid yihiin, xoojinta xiriirka labada dowladood, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Khayre ayaa inta uu kulankaas socday wuxuu usoo bandhigay Søreide qorshaha xukuumada uga degan dhamaan qodobada aan kor ku xusan, wuxuuna warbixin ka siiyay xaalada guud ee dalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku amaaney Norway kaalinteeda horumarka Soomaaliya iyo inay hormuud u tahay isbedelka hadda ka socda.

Kulanka waxaa xaadir ku ahaa mas'uuliyiin labada dhinac ka kala socotay, kuwaasoo uu ku jiro wasiirka Maaliyadda ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay inuu ka qeyb geli doono Khayre shirka Madasha Oslo [Oslo Forum], kaasoo madax badan oo caalami ah lagu casuumey.

Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres, madaxa Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, iyo madax kale ayaa ka qeyb-gali doona kulanka, oo diirada lagu saari doono colaadda ka jirta dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

Shirkaan ayaa waxaa uu socon doontaa inta u dhaxeysa 19-20 bishaan June, iyadoo Khayre mudada uu shirkaas ka qeybgalayo uu kulamo gaar-gaar ah la qaadan doono mas'uuliyiinta ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka Oslo kadib, Khayre iyo Wafdigiisa ayaa la qorsheynayaa inay u ambabaxaan dalka Belgium-ka halkaasi oo 24-ka bishan ka furmi doona Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya. [Halka ka akhiri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM