XOG: Maxay tahay sababta uu Khayre u aaday Norway?

Image

OSLO, Norway - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Calii Khayre ayaa axadii shalay u ambabaxay dalka Norway, kadib markii uu dowladda dalkaasi ka helay casuumaad rasmi ah.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya waxa uu salka ku hayo safarka Ra'iisul Wasaare Khayre ee Norway kaasi oo kusoo beegmaya xilli isla bishan lagu wado inuu Belgium-ka ka qabsoomo shir kale oo arrimaha amniga Soomaaliya looga hadlayo. 

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Khayre iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle iyo xubno labada golle ee dowladda katirsan, ay ka qeyb-gali doonaan kulan loogu magac-daray "Oslo Peace Forum."

Shirkan oo socon doona 19-ka illaa 20-ka bishan islamarkaana ay ka qeyb-galayaan hogaamiyaal ka kala socota dalalka caalamka iyo Xoghayaha Guud ee QM,  António Guterres ayaa diiradda lagu saari doono arrimaha nabada dalalka ay colaadaha ka jiraan.

Ine Eriksen Søreide, oo ah Haweenayda wasiirka arrimaha dibadda uu ah dalka Norway ayaa xaqiijisay in Shirka Oslo Peace Forum lagu casuumey madaxda dalalka ay colaadaha ka taagan yihiin sida Libya, Syria, Somalia, Mali iyo Colombia.

Waxay sheegtay in Kulanka lagu gorfeyn doono sidii nabad waarta loogu dabaali lahaa dalalkan ay dhibaatooyinka dagaallada la degeen, iyadoo rajo oka muujisay natiijada Shirka, oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid muhiim ah oo waqtigiisa lagu soo beegay.

Khayre oo haysta dhalashada Norway ayaa noqonaya mas'uulka lagu mart-qaadey inuu Soomaaliya ku matalo Shirkan, isagoo ka jeedin doono Khudbad ku saabsan xaaladda hadda dalka uu marayo iyo caqbadaha ka jira.

Shirka Oslo kadib, Khayre ayaa la filayaa inuu u kicitimo magaalada Brussels, ee xarunta Belgium-ka oo ka dhici doonaa wajiga labaad ee Shirka arrimaha amniga Soomaaliya, kaasi oo lagu wado inay kawada qeyb-galaan madaxda maamul goboleedyada. [Halakan ka akhri].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM