Muxuu ku saabsanaa Wadahadalka Erdoğan iyo Xasan Sheekh?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa telefoon kula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo mar kale carabka ku adkeeyey taageerada joogtada ah ee Ankara u fidinayso horumarka, ammaanka, iyo hiigsiga dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga, labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal, horumarrada gobolka iyo caalamka ee dhawaan dhacay, iyo meelaha iskaashiga la ballaarinayo, gaar ahaan tamarta, kalluumaysiga, iyo difaaca.

Madaxweynaha Erdoğan ayaa muujiyey sida ay Turkigu uga go’an tahay dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada, isagoo ballan qaaday in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo difaaca.

“Taageerada Turkiga ee Soomaaliya way sii kordhi doontaa,” ayuu yiri Erdoğan, isagoo tilmaamay muhiimadda xasiloonida oo lagu gaari karo dimuqraadiyadda iyo horumarka.

Erdoğan wuxuu xusay in wada shaqaynta dhinacyadan ay rajo weyn u horseedi karto horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo maareynta kheyraadka. Arrintan ayaa imaneysa iyadoo labada dal dhawaan saxiixeen heshiisyo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga milateri, dhaqaale, iyo kaabayaasha.

Sidoo kale, Madaxweynaha Erdoğan ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Adxaa ee soo socota, isaga oo mar kale ku adkeeyey xiriirka xooggan ee dhaqanka iyo diinta ee ka dhexeeya labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM