Soomaaliya : Muxuu noqon karaa Mustaqbalka Macawuusleyda?

Image

MUQDISHO, (GO) - Ma jirto koox abaabulan oo leh dhammaan astaamihii urur oo la yiraahdo macawuusley, ee waa ereybixin lagu garto dagaalyahano beeleed oo siyaabo kala duwan u abaabulan.

Beel kasta oo uu dhib weyn kasoo gaaray Alshabaab waxa ay uruurisay ciidamo iyo hub, kuwaas oo ay kula dagaalanto Shabaabka, mana jiro wax xiriir ah oo ka dhaxeeya macawuusleyda Hiiraan iyo tan Galgaduud oo aanan ka ahayn in ay hal koox la dagaalamayaan.

Sida ay wakaaladda wararka ee AP u sheegtay Samiira Qeyd oo horey u ahaan jirtey la taliye amni xafiiska RW, Macawuusleyda wax guul la taaban karo ma gaari karaan haddii aysan dowladda ka helin garab muuqda.

Marar hore oo ay kooxdani kacday waxaa dhabarka ka jabiyay Alshabaab maadaamaa dowladda ay ka maqnayd furumaha dagaalka. 

Balse sababta hadda guulaha loo gaarayo ayaa ah in Alshabaab dhawr meel dagaalo looga furey oo aysan isu gurman karin sidii ay samayn jireen, islamarkaasna Macawuusleyda ay markani heshey taageero mug leh oo dhanka beelaha ah, iyo waliba dowladda oo taageeradeeda ay biloow tahay.

Sida Garowe Online u sheegeen dad kala duwan oo u dhuun daloola arrimaha xasaradaha, kaalinta ugu weyn ee ciidamada dowladda waxa ay noqon kartaa in ay degaan oo difaacaan deegaanada Alshabaab laga saaray, maadaamaa Macawuusleyda aysan ahayn ciidamo rigli ah oo muddo dheer meel haysan kara.

Sidoo kale waa in ciidamada dowladda ay qudhooda xoojin ka helaan kuwa ATMIS inta ay weli dalka joogaan, gaar ahaan haddii la qabto magaalooyin muhiim ah.

Cumar Cabdi Jimcaale oo ah falanqeeye Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in dagaaladii hore ee Macawuusleyda ka gashay Alshabaab ay ku dhamaan jireen in ay galaan heshiisyo nabadeed, lagana adkaado, balse hadda sababta gacansareynta keentay ay tahay garabka dowladda laga heley.

Balse iyada oo aan xitaa kala bar la xaqiijin guulihii la doonayay ee dagaalka, ayaa waxaa laga welwelayaa waxa ka dhalan kara Macawuusleyda oo xoogaysata, meeshana ka saarta Alshabaab.

Waxa koowaad ee laga welwelayo ayaa ah dagaaladii beelaha dhexdooda ahaa, iyada oo aysan jirin wax heshiis ah oo qaarkood dhex yaala. Waxaa la isweeydiinayaa in hubka tirada badan ee galaya gacanta Macawuusleyda, haddii uu ahaan lahaa mid ay dowladda iyo shacabkaba bixiyeen ama mid Alshabaab laga furtay, in hubkaasi ay beelaha iyaga dhexdooda isu adeegsan doonaan iyo in kale?.

Arrinta labaad ayaa ah in beelaha qaar oo cabashooyin ka qaba maamulada iyo dowladda dhexe ee dhanka qeybsiga siyaasadda. Waxaa dhici karta in hubka ay kula jeedsadaan maamulada ama dowladda.

Waxaa weli duurka ku maqan ururka Ahlu Sunna wal jamaaca oo weli taageero ka haysta beelaha qaar ee hadda dagaalamaya, mana la saadaalin karo xiriirka dhexmari kara labada dhinac.

Marka arrimahaasi oo dhan la isu geeyo, ayaa waxaanan la saadaalin karin sida uu noqon karo Mustaqbalka Macawuusleyda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles