Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Image

Muqdisho, 10 May 2025 – Dowladda Mareykanka ayaa ku celisay go'aankeediihore ee ahaa inaysan siin bixin karin lacagta maalgelinta ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo ay soo baxayaan xog sheegaya in go’aankan uu saameyn ku yeelan karo howlgalka cusub ee AUSSOM, oo beddel u ah howlgalka ATMIS.

Toddobaadkii la soo dhaafay, saraakiil sare oo ka socday Midowga Afrika ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Mareykanka, iyagoo ku qanciyay dowladda Washington inay maalgeliso howlgalka AUSSOM. Hase yeeshee, ilo-wareedyo dhowr ah oo arrintan la socda ayaa sheegaya in Mareykanku uusan weli ballanqaad rasmi ah ka bixin taageerada dhaqaale ee AUSSOM, isagoo cuskaday walaacyo la xiriira hufnaan la’aan howlgalka iyo culeyska dhaqaale ee xad-dhaafka ah ee saaran hal dhinac.

Bishii hore, waddamada ciidanka geeya Soomaaliya (TCCs) ayaa kulan ku yeeshay magaalada Kampala, Uganda, halkaas oo lagu falanqeeyay baahida loo qabo kordhinta taageerada maaliyadeed. Mareykanka ayaa si cad u sheegay in wadamada kale ee deeq-bixiyeyaasha ah ay tahay inay si siman ula qaybsadaan kharashaadka, haddii kale aysan suurtagal ahayn in Mareykanku keligii sii wato taageerada.

Inkastoo ciidamada Midowga Afrika ay Soomaaliya joogaan muddo ku dhow labaatan sano, hadana weli ma suurtagalin in gebi ahaanba laga sifeeyo kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo weli si xooggan ugu sugan gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka. Bishii la soo dhaafay, Al-Shabaab ayaa sameeyay horumar muuqda oo ay ka gaareen Hirshabelle, taasoo cabsi ku abuurtay shacabka iyo dowlad-goboleedka.

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan, taasoo hoos u dhigtay niyadda iyo tayada howlgalka ciidamada. Ciidamada ayaa wajahaya xaalado nololeed iyo qalabeyn liidata, taasoo si weyn u wiiqday waxqabadkooda.

Deeq-bixiyeyaasha reer galbeedka ayaa bilaabay inay ka niyad-jabaan taageeradii muddo dheer ay siiyeen Soomaaliya, iyagoo dhaleeceynaya horumar la’aanta muuqata iyo sida aan wax looga beddelin xaalada amni. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in malaayiin doolar oo caawimo caalami ah lagu lumiyay musuq iyo hannaanno aan wax-ku-ool ahayn, taasoo dhalisay daal deeq-bixiyeed iyo aragti taban oo ku saabsan istiraatiijiyadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada caalamiga ah ayaa muhiim u ahayd dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo ciidamada Mareykanku si joogto ah u fuliyaan duqeymo cirka ah iyo kormeerka hawada marka ciidamada xulafada ay khatar weyn wajahaan.

Maalgelinta howlgalka AUSSOM ayaa noqotay mid si gaar ah diiradda loogu saaray bilihii la soo dhaafay, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu marar badan ku celiyay in dowladdiisu ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka weli ma uusan soo saarin war rasmi ah oo qeexaya mowqifkiisa kama dambaysta ah ee ku aaddan taageerada howlgalka AUSSOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM