Muxuu u furmi la'yahay Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan C/rashiid Xidig oo Gollaha Shacabka katirsan ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay si ku-tala-gal ah u baajiyeen furitaanka kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka, oo la filayay 6-dii bishan.

Wuxuu xusay Xidig inay Madaxda ka baqayaan in Mooshin la keeno Baarlamaanka hadii uu furmo, sidaas darteedna dib ugu dhigeen furitaankiisa. Xildhibaanka ayaa ku hanjabay inay Xildhibaanada ay meel kale ku kulmi doonaan, islamarkaana ka doodi doonaan ajandooyinka u degsan, oo mooshin uu kamid yahay.

"Waa sharci-darro ah shaqsiyaad u xirnaado Baarlamaanka dalka, iyagoo ka baqaya Mooshin, hadii aan dib loo furin kalfadhiga, meel kale ayaa lagu qaban doonaa kulanka, mooshinka horey ayaa loo saixiixay," ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Dib u dhigida furitaanka kalfadhiga 5aad ayaa kusoo aadaya xili dalka xiisad siyaasadeed ay ka jirto, waxaana lagu eedeeyay Afhayeenka Gollaha Shacabka Aadan Madoobe inuu ku shaqeeyo rabitaanka Villa Somalia, kuna milmay laanta fulin [Xukuumadda], oo la rabey inuu baarlamaanka la xisaabtamo.

Xidig ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay siyaasadeysay Ciidanka qaranka, oo si qaldan u adeegsanayso, kadib markii lagu weeraray Jubaland iyo shirarka Mucaaradka ee ka dhacaya magaaladda Muqdisho. Xasan Sheekh ayaa ku dhaqmaya ficilo markii uu mucaaradka ahaa ku eedeyn jiray Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM