Muxuu yahay Ajandaha Kulanka Baarlamaanka ee Maanta?             

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku leh xaruntooda Muqdisho kulan xasaasi ah oo arrimaha Maaliyadda looga hadlayo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la horgeynayaa miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socdo ee 2018, taasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa hortagaya Gollaha Shacabka, isagoo u sharaxi doono Xildhibaanada Miisaaniyadda 2018 iyo sida ay hay’addaha dowladda ugu qoondeeyeen lacagta.

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo Miisaaniyada 2018 u sharxaya Gollaha Shacabka

Miisaaniyadda 2018 ayaa gaareysa $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan iyo kow dollar).

Miisaaniyadda cusub ee 2018 ayaa ka badan 14 milyan Miisaaniyaddii 2017, waxaana lagu kordhiyay ayaa 5.63%, maadaama ay soo kordheen Xildhibaanada Aqalka Sare Mushaarkooda.

Kulanka maanta ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay Wasaaradda Maaliyadda shaaciyay dhawaan in Lacag canshuur ah laga qaadi doono Gunooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose, taasi la filayo inay Xildhibaanada maanta Su'aalo ka waydiiyaan Wasiir Beyle. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM