Natiijada daraasad laga sameeyay abaarta Soomaaliya oo la shaaciyey

Image
Soomaaliya waxaa tobankii sano ee la soo dhaafay soo maray saddex dhibaato oo abaareed oo waaweyn

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda hormarinta caruurta ee Save the Children ayaa sheegtay abaarta ka dhalatay isbadilka cimilada ee ka jirta Soomaaliya in ay ka dhigtay 70% boqolkiiba qoysaska ku nool dalka in aynan helin cunto ku filan oo ay cunaan isla markaana ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Save the Children ayaa sheegtay in ay qiimeyn ku sameysay in ka badan 12,000 oo qof oo ka kala yimid 15 ka mid ah 18-ka gobol ee Soomaaliya oo dhan isla markaana ay ogaatay;-

In 70% qoysaska aysan haysan cunto ku filan oo ay cunaan

In Ku dhawaad 700,000 oo Geel, Ari, ido iyo Lo’ ah ay u dhinteen sababo la xiriira abaarta muddo laba bilood ah.

Hay’adda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taagantahay xaalad abaareed tii ugu darneyd muddo 10 sano ah, iyadoo malaayiin qof ay gaajoonayaan kana carareen guryahoodii iyagoo raadinaya cunto iyo biyo ku filan.

Saamaynta qoysaska ee abaaraha ayaa si aad ah loo dareemayaa xilligan iyadoo ay sabab u tahay abaaro badan oo daba dheeraaday oo isdaba jooga, xaalad amni oo ka sii daraysa, Ayaxa, qiimaha cuntada oo sare u kacay, xawaaladaha oo yaraatay – iyo lacag yar oo ay deeq-bixiyeyaashu ku heelan yihiin in ay wax ka qabtaan.

Qiimeyn ay sameysay Save the Children bishii Nofembar 2021, oo ka koobneyd 15 ka mid ah 18-ka gobol ee Soomaaliya, ayaa lagu ogaadey in qoysaska intooda badan ay hadda cunto la'aan yihiin si joogto ah. Ku dhawaad ​​60% qoysaska la qiimeeyay ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo qoyskooda ah ay lumiyeen ilihii dhaqaalaha - taasoo ay ugu wacan tahay dhimashada guud ee xoolaha .

Soomaaliya waxaa tobankii sano ee la soo dhaafay soo maray saddex dhibaato oo abaareed oo waaweyn; 2011/12, 2016/2017, imminkana 2021/22.

Xiisaddii abaareed ee 2011/2012, markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday macaluul ka dhacday Soomaaliya, 3.7 milyan oo qof ayaa la kulmay heerar halis ah oo cunto yari ah. Jawaabta gaabis ah ee caalamiga ah ee digniinaha hore ee macluushaas ayaa keentay in ugu yaraan 260,000 oo qof, oo kala bar ka mid ahi ay da'doodu ka yar tahay 6 jir, ay u dhintaan gaajo iyo xaalado la xiriira guud ahaan Geeska Afrika.

Dhammaadkii xiisadda, kaliya 56% codsigii maalgelinta Qaramada Midoobay ee loo dejiyay in lagu daboolo baahiyaha ka jira Soomaaliya ayaa waxaa daboolay deeq-bixiyeyaal.

Xiisaddii abaareed ee 2016/17, in ka badan 2.9 milyan oo qof ayaa soo food saartay xaalad degdeg ah oo cunto yari ah (IPC 3 ama ka sii daran). Jawaab caalami ah oo degdeg ah oo la taaban karo ayaa horseeday in nafo la badbaadiyo. Dhammaadkii xiisadda, 68% codsigii maalgelinta Qaramada Midoobay ee cusub waxaa buuxiyey deeq-bixiyeyaal.

Sannadkan, saadaasha haqab-beelka cuntada ee ugu dambeysay ayaa muujineysa in 4.6 milyan oo Soomaali ah ay wajihi doonaan xaalad halis ah ilaa heer deg-deg ah haqab-beel cunto (IPC 3 ama ka sii daran) laga bilaabo Febraayo ilaa Maajo 2022. Dhab ahaan, 2.3% kaliya ee baaqyada Qaramada Midoobay ee hadda ah in wax laga qabto dhibaatada ayaa waxaa la kulmay deeq-bixiyeyaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM