Netanyahu oo lumiyey 12 sano uu hayey talada Israa’iil

Image

TEL AVIV, Israel - Benjamin Netanyahu ayaa wuxuu mac-salaameeyay 12 sano oo uu hayey taladda Israa’iil kadib markii baarlamaanka Yahuuda uu maanta u codeeyey dawlad cusub oo wadaag ah.

Siyaasiga garabka midigta ah kuna ololeeyay wadaniyadda, Naftali Bennett, ayaa loo dhaariyay jagadda ra'iisul wasaaraha, isagoo hogaaminaya "dowlada isbedelka".

Bennett oo bedelaya ninkii uu kasoo hoos-shaqeeyay wuxuu hogaamin doonaa isbahaysi xisbiyada aan horay loo arag oo lagu ansixiyay aqlabiyad khafiif ah oo ah 60-59.

Sida ay warisay warbaahinta maxaliga ah ee Yahuuda, Mr Bennett wuxuu ahaan doonaa ra'iisul wasaare ilaa Sebtember 2023 isagoo qayb ka ah heshiis awood qaybsi ah.

Kadib wuxuu awooda ku wareejin doonaa Yair Lapid, hogaamiyaha xisbiga bartamaha Yesh Atid, kaasoo xafiiska baaqi kusii ahaan doona muddo labo sano oo dheeri ah.

Mr Netanyahu - hogaamiyihii ugu waqtiga dheer ee Israel ku xukumayay siyaasad jahwareer ah sanado badan - ayaa hadda ah madaxa xisbiga garabka midig ee Likud wuxuuna noqon doonaa hogaamiyaha mucaaradka.

Intii lagu guda jiray dooda Knesset (baarlamaanka), Mr Netanyahu oo si dadban u qirtey guuldaradda xanuunka badan ee soo wajahdey wuxuu balan qaaday: "Waan soo laaban doonnaa".

Maxaa sabab u ah isbedelka dhacay?

Codeynta ka dib, Mr Netanyahu wuxuu u soo dhaqaaqay dhanka Mr Bennett oo uu gacan qaaday taasoo la macno ah in uu aqbalay guusha siyaasadeed ee laga gaarey.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa durbaba hambalyo u diray Mr Bennett, isagoo sheegay inuu rajeynayo wadashaqeyn wanaagsan oo dhexmarta labadda dhinac.

Mr Netanyahu ayaa dib loo doortey shan sano oo xiriir ah taasoo uu ku jebiyey iskoor taariikhi ah laga soo bilaabo 1996 ilaa 1999, ka dibna si isdaba joog ah 2009 ilaa 2021.

Doorasho ayuu ku baaqay bishii Abriil 2019 laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu helo taageero ku filan si loo dhiso dowlad wadaag cusub. Laba doorasho oo kale ayaa xigtay, mid walbana wuxuu ku dhammaaday natiijo la’aan.

Doorashadii seddexaad waxay dhalisay dowlad midnimo qaran halka Mr Netanyahu uu ogolaaday inuu awooda la wadaago hogaamiyihii mucaaradka ee Benny Gantz. Laakiin qabanqaabadii ayaa burburtay bishii Diseembar, taasoo dhalisay doorasho afaraad.

Inkasta oo Likud uu kusoo baxay xisbiga ugu weyn 120-ka kursi ee Knesset, Mr Netanyahu mar kale wuu awoodi waayey inuu sameeyo isbahaysi maamul waxaana hawsha loo dhiibey Mr Lapid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka horumarinta Teknoloojiyadda

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 04:30PM

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM