Shaacinta "dilka" Ikraan oo cadaadiska ku kordhiyey NISA

Image
Diidmo xoogan ayaa lagala hor-tagay sheegashadaas iyadda oo hogaanka hay'addu kusoo kordhayo cadaadiska.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheegashadda taliska mukhaabaraadka Soomaaliya ee la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee ah in ay dishay Al-Shabaab ayaa la kulantey waji-gabax iyaddoo hogaanka hay'addu ku kordhay cadaadiska.

Cabdullaahi Sanbaloolshe, agaasimihii hore ee NISA oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa si cad wuxuu u sheegay in Ikraan ay galaafatay "wada-shaqeyn abaabulan".

"Ikraan Tahliil waxaa dilay sirdoonka Soomaaliya ama waxaa lagu khaarijiyey wada-shaqeyn dhexmartey Al-Shabaab iyo hay'adda," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey Idaacadda aroornimo ee BBC Soomaali.

Muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya wax u muuqda afduub loo geystay ugu yaraan laba qof. Dad ka dhex-hadlaya waxay sheegayaan in ay u aar-gudayaan Ikraan Tahliil Faarax.

Shaqsiyaadka la qafaashay ee kasoo muuqdey muuqaaladda oo ugu yaraan ah laba ayaa waxay ku sheegayaan xigtada agaasimaha hay'ada sirdoonka, Fahad Yaasiin Daahir.

Dhacdooyinkan ayaa waxay kusoo beegmayaan xilli qoyska madaxii internet-ka mukhaabaraadka Soomaaliya ay todobaadkan ku hanjabeen in kiiskan uu isku rogi doono dagaal qabiil haddii si deg-deg ah aan lagu caddeyn masiirka gabadhooda.

Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay cod dheer ku sheegeen "in aysan ku qanacin" sheegashadda NISA ee ku aadan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Xukuumadda xilgaarsiinta ayay ka dalbadeen "in isbedel degdeg ah" lagu sameeyo hoggaanka hay'ada, guddi madaxbannaan oo heer caalami ah "loo saaro ka gungaarida xaqiiqda kiiska".

Al-Shabaab ayaa qudheeda isla maanta waxay iska fogeysay khaarijinta Ikraan Tahliil Faarax. Balse, sooma hadal-qaadin haddii ay tafaasiil ka haayaan shirqoolkeeda.

"Kama dammbeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay'adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas," ayaa lagu yiri qoraal Al-Shabaab maanta soo saartay.

Hooyada dhashay Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Guhaad oo u warantay VOA Somali ayaa carabka ku adkeysay in qoyskeedu aaminsan yihiin hadii la dilay Ikraan "loo heysato Fahad Yaasiin Aakhiro iyo Aduun".

Ikraan oo la waayey 26/6/2021 ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya. Madaxa amniga internet-ka iyo madaxa xafiiska xuquuqul insaanka ayaa kamid ah jagooyinka shaac-baxsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM