Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo la shaaciyey

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa soo bandhigay liiska 135-ta odayaal dhaqameed ee soo xuleysa mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiilada dowlad goboleedkaasi.

Odayaal dhaqameedyadda oo ka kala socda dhinacyadda ku heshiiyay dhismaha Jubbaland ayaa waxaa darafka ugu badan uu haystaa 16 oday, halka kan ugu yar ay isana metalayaan kaliya saddex nabadoon.

Xildhibaanadda cusub oo hanaanka beelaha lagu soo xuli doono ayaa dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulkaasi hogaamin doona afarta sano ee soo aadan laga bilaabo sanadkan 2019.

Markii ay odayaasha soo xulaan saddexda shaqsi ee sharcidejiyeyaasha cusub ah waxay u gudbin doonan guddiga doorashooyinka oo kala bixi doona hal qof, kaasi oo ay u arkaan in uu golaha kamid noqon karo.

Hanaankan ayaa waxaa dejiyey maamulkan haatan jira ee Jubbaland, wallow ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah murashaxiinta ayna qaarkood taageero weyn u muujiyaan qaabkaasi.

Coddeynta oo aad isha loogu hayo ayaa loo madal-san yahay in ay qabsoonto bisha Auguts 24-keeda, waxaana ka horeyn doonta doorashada gudoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Amniga magaalooyinka si gaar ah Kismaayo oo xarun ku meel gaar u ah maamulkan ayaa aad loo adkeeyay, iyadda oo ciidamada ay sare u qaadeen howlgalada lagu sugayo nabad-gelyadda.

LIISKA ODAYAASHA HALKAN HOOSE KA AKHRISO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM