Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland oo wajahaya "hanjabaad"

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Iyadda oo ay maalmo ka harsan tahay doorashadda Jubbaland, wasiir ka tirsan maamulkaasi wuxuu daaha ka rogay xog xasaasi ah oo ku saabsan coddeynta aadka isha loogu hayo.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamka Jubbaland ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in xubin ka tirsan Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedkaasi uu odayaasha soo xulaya Xildhibaanada la shiray Jimcadii.

Aadam Ibraahim Aw Xirsi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa wuxuu banaanka soo dhigay dulucda shirka iyo natiijada layaabka leh ee ay la kulmeen Odayaasha Dhaqanka.

"Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa Odayaasha Dhaqanka isugu yeeray xafiiskiisa shalay, kuna wareejiyay liis, uguna hanjabay cawaaqib xun hadii aysan magacyaddaasi dowladda ugu soo xulin Xildhibaano," ayuu ku yiri.

Aw Xirsi oo kamid ah wasiiradda ugu saameynta badan maamulka Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa wuxuusan soo bandhigay magaca wasiirka uu eedeymahan aadka u culus uu dusha kaga tuuray.

Balse isaga oo u muuqda mid aad carabka ugu adkeynaya qoraalkiisa kana dhigaya in la dhayal-sado warkiisa ayaa wuxuu intaas ku daray: "Goodintiisa waa mid aad loogu kalsoonan karo".

Dhawaqa Aw Xirsi ayaa kusoo beegmayaa iyadda oo isbuucii hore magaaladda Kismaayo lagu dilay mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee ugu caansan Jubbaland kuna howlanaa soo xulida mudaneyaasha cusub.

Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaasi oo madaxweyne Axmed Madoobe, oo murashax ah, uu faray in lasoo qabto cidii ku lugta lahayd.

Doorashadda Jubbaland ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 24-ka bisha August ee sanadkan 2019, iyadda oo illaa iyo haatan ay is-diiwaan geliyeen murashaxiin uu ku jiro Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM