Prof Gaandi oo ku geeriyooday waddanka Faransiiska

Image

PARIS, France - Prof Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi, khabiir ku takhasusay cilmiga dhulka, aqoonyahan ku xeeldheeraa cilmu-nafsiga, taariikhyahan iyo siyaasi, ayaa ku dhintey Faransiiska, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Marxuumka oo la sheegay in xaalad caafimaad loogu qaadey dalkan ku yaala qaaradda Yurub ayaa ahaa xubin ka tirsanaa Midowga Musharaxiintii, wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya, Xildhibaan golaha Shacabka iyo safiirkii Soomaaliya ee Canada.

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Soomaaliya ayuu soo noqdey sanadka markii uu ahaa 2009-kii. Gaandi oo sidoo kale ahaa qoraa ayaa lagu waramay in uu qoray in ka badan 10 boog iyo ku dhowaad 50 maqaalo cilmiyeed.

Professor Gandhi oo aan wali fahfaahin laga bixin xanuunka uu u geeriyoodey ayaa wuxuu Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Wasiirka Cirka iyo Gaadiidka uu ka noqdey Dowladii Ku Meel Gaarka ahayd ee waddanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ismaamulkii la oran jiray Azania ee degaanada Jubbooyinka ka jiray kahor inta aan loo bixin magaca haatan loo yaqaano ee Jubaland ayuu noqdey 3-da bishii April, 2011-kii, waxaana May, 2013-kii ka bedelay Axmed Maxamed Islaam.

Bishii Luulyo 2014, Gandhi waxaa loo magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Canada. Wuxuu noqdey ergeygii ugu horreeyay ee noocan ah muddo ka badan labaatan sano kadib maadaama waddanka uu 1991-dii galay dagaal sokeeye.

Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaana u magacaabay jagadda safiirnimo. Dib-u-furidii afaaradda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya magaaladda Ottawa gobolka Ontario ee gudaha waddanka Canada ayuu door ballaaran ka cayaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM