Puntland iyo Galmudug oo Shir muhiim ah uga furmay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Saraakiil ka socota Puntland iyo Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ka bilaabay wada-hadalo nabadeed oo lagu doonayo in lagu xaliyo dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda labada dhinac.

Dagaalka Galbeedka Gobolka Mudug, ayaa ka dhashay muran dhuleed oo ka taagnaa deegaanka Jiicboor ee degmada Galdogob.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda uu leeyahay wada-hadallada socda, iyagoo ballan-qaaday inay yeelan doonaan kulamo xiriir ah si loo gaaro dib-u-heshiisiin iyo soo celinta nabadda deegaannada ay colaaduhu ka jiraan.

Intii uu socday wadahadalka, madaxda labada dowlad goboleed ayaa cambaareeyay dagaalka sokeeye, waxayna hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay dib u heshiisiin waqti dheer ah si looga hortago colaadaha mustaqbalka.

Dagaal beeleedyada, ayaa ka soo cusboonaaday guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Mudug, Galgaduud, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, iyo Hiiraan, waxaana doorkeedii amniga qaranka gabtay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Madaxdii hore ee dalka, odayaal dhaqameedyo iyo culumaa’udiin ayaa cambaareeyay dagaallada beelaha u dhaxeeya, waxayna dowladda federaalka ka codsadeen in ay si deg deg ah wax uga qabato dhiiga daadanaya.

Colaadaha qabaa'ilka ee ku saabsan kheyraadka iyo dhulka ayaa weli ah caqabad joogto ah oo ka jirta Soomaaliya, inta badan waxay carqaladeeyaan xasilloonida bulshada deegaanka waxayna wiiqaan dadaallada ballaaran ee nabadda iyo xasilloonida qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM