Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Image

Garoowe, Soomaaliya – Puntland iyo Somaliland ayaa Arbacadii sameeyay is-weydaarsi maxaabiis ah, kuwaas oo lagu kala qabtay dagaalkii 2023 ka dhacay gobolka Sool.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in Puntland ay Somaliland ku wareejisay 15 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkaas, halka Somaliland ay dhankeeda soo deysay 11 maxbuus.

"Maanta waxaan xukuumadda Somaliland ku wareejinnay 15 maxbuus oo aan ku qabanay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool sanadkii 2023. Somaliland dhankeeda waxay noo soo wareejisay 11 maxbuus oo horey loo qabtay," ayuu yiri Wasiir C/Wahaab.

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

"Tani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka nabadda iyo iskaashiga. Waxa farxad leh in dhallinyaro Soomaaliyeed oo laba sano xabsi ku jiray ay maanta xoriyaddooda helayaan oo ay la midoobeen qoysaskoodii," ayuu raaciyay.

Is-weydaarsigan ayaa noqonaya kii labaad ee si rasmi ah loo xaqiijiyay tan iyo markii uu billowday dagaalka magaalada Laascaanood horraantii 2023.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaan weli si rasmi ah uga hadlin is-weydaarsigan maxaabiista. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in maxaabiista ay Somaliland sii deysay aysan ka mid ahayn xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen SSC-Khaatumo.

Dagaalkii Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran ayaa sababay barakac baahsan, dhimasho iyo dhaawac, iyadoo uu sii kordhay kala-qaybsanaanta siyaasadeed iyo bulsho ee gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM