Puntland oo beenisay war kasoo yeeray Cumar Filish

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ganafka ku dhufatay war kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish].

Jaamac Dabraani, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo qoraal ku daabacay Twitter-ka, ayaa ku sifeeyay warkaas been abuur.

"Aad baan uga xumahay, waana nasiib darro inaan ka maqlo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Omar Filish isago leh Puntland & Jubaland waxay dhaheen Dowladda ha la kala diro! Warkaasi war masuul maahan, waana been cad! Awoodaha DFS ee wakhtigu ka dhammaaday Ajendaha ha lagu daro oo keliya ayuu ahaa qodobku, waana mid la mid ah tii uu sameeyay Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo," ayuu tibaaxay Jamaac.

Arbacadii ayay ahayd markii Cumar Filish uu kulan uu ka qeybgalay ku weeraray madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay in ay mas’uul ka yihiin burburka wadahadalada doorashadda.

Cumar Filish oo kamid ah mas'uuliyiinta daacada u ah maamulka waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo ayaa sheegay in madaxda Puntland iyo Jubaland ay kasoo horjeedaan maqaamka gobolka Banaadir.

"Doorashada inay qabsoonto oo si xalaal ku qabsoonto waxaa looga fadhiyaa dowladda Federaalka, dowladda waa qabaneynaa diyaar u nahay taagan tahay, kuwa kale waxay taagan yihiin maba la qabanaayo, illaa qodobkan aniga la ii fuliyo, waa in danteyda aan hela, haddii kale maba la qabanaayo," ayuu ka sheegay kulankaas u muuqdey mid lasoo abaabulay.

Kadib markii heshiis la’aan ay kusoo dhamaadeen shirarkii arrimaha doorashooyinka, maamulka Farmaajo ayaa diirada saarey sidii uu u faafin lahaa dacaayado ka dhan ah madaxda Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM