Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Garowe – Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka, taas oo looga golleeyahay in lagu xaqiijiyo maalgelin waarta oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, isla markaana lagu yareeyo ku-tiirsanaanta taageerada dibadda.

Siyaasadda cusub waxaa daahfuray Wasiirka Caafimaadka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), iyadoo maamulka uu sheegay in nidaamkan lagu dhisay hufnaan, isla-xisaabtan, maamul-wanaag iyo iskaashi bulshada dhexdeeda ah.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in adeegyada caafimaad ay weli boqolkiiba 100 bilaash ugu sii ahaan doonaan dadka danyarta ah, barakacayaasha, xaaladaha degdegga ah iyo adeegyada la xiriira hooyada iyo dhallaanka.

Marxaladda ugu horreysa ee hirgelinta siyaasadda ayaa laga bilaabay shan isbitaal oo ku kala yaalla degmooyinka Caluula, Bargaal, Ufeyn, Balli-dhidin iyo Iskushuban, iyadoo qorshuhu yahay in nidaamka si tartiib tartiib ah loogu ballaariyo dhammaan isbitaallada heer degmo iyo heer gobol ee Puntland horraanta sannadka 2027.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka, wasiiru-dowlaha maaliyadda, mas'uuliyiin sare oo ka tirsan madaxtooyada iyo wasaaradda caafimaadka, hanti-dhawraha guud, iyo wakiillo ka socday Safaaradda Sweden, hay'adda Save the Children iyo bahwadaagta kale ee horumarinta.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa uga mahadcelisay dowladaha Sweden iyo Switzerland iyo hay'adda Save the Children taageerada ay ka geysteen diyaarinta iyo hirgelinta siyaasaddan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM