Puntland Oo heshay xiriirro taleefan oo dhex-maray Saraakiil katirsan DFS iyo Burcad-badeeda haysatay Markabka MV LUTUF
GAROWE, Soomaaliya — Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay si dhow ula socotay xiriirro taleefan oo dhex marayay saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee waqtigeeda dhamaadey iyo kooxdii burcad-badeedda ahayd ee haysatay markabka MV LUTUF.
Puntland ayaa ku eedeysay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee mudo-xileedkeedu dhamaadey inay dhex-dhexaadiyeen bixinta lacag madax-furasho ah si loo sii daayo markabkaas. Wasaaradda Amniga Puntland ma aysan magacaabin mas’uuliyiintaas, oo kuwa sare ay ku jiraan.
Warar hore oo soo baxay ayaa sheegayay in burcad-badeeddu ay si nabad ah uga degeen Markabka, kadib markii ay qaateen lacag malaayiin dollar ah. Dalabkoodii hore wuxuu ahaa 2 milyan, lama oga in cadadkaas la siiyay iyo in kale.
Dowladda Puntland ayaa ku tilmaantay bixinta lacagta madax-furashada ah “khalad weyn”, iyadoo varamaysay in arrintaasi ay dhiirrigelin karto afduubyo kale oo ka dhaca badda isla markaana ay dhaawici karto dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda.
Burcad-badeedda hubeysan ayaa 17-kii August afduubtay markabka MV LUTUF xilli uu marayay xeebaha degmada Eyl ee Puntland, kadibna waxay u kaxeeyeen dhinaca xeebaha gobolka Nugaal.
Mas’uul Soomaali ah ayaa hore u sheegay in markabku uu siday hub ay leedahay Dowladda Turkiga, qalab isgaarsiineed iyo nidaamyo dayax-gacmeed oo ku wajahnaa xarunta militari oo Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho (TURKSOM).
Markabka afduubka loo geystay waxaa la socday 10 shaqaale ah oo kala ahaa lix muwaadin oo u sinhay dalka Hindiya, hal Turki ah, hal Georgian ah iyo laba Serbian ah oo ilaalo ahaan u shaqeynayay.
GAROWE ONLINE