Galmudug ​oo la Safatay Xulufada Sacuudiga [War-saxaafadeed]

Image

CADAADO, Somaaliya - Maamulka Galmudug, ayaa ku dhawaaqay inuu la saftay Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraddka, iyagoo ku taageeraya Khilaafka diblomaasiyadeed, ee kala dhaxeeya dalka Qadar.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa lagu sheegay in Somaaliya aysan dhex-dhexaad ka noqon karin Khilaafka wadamada Khilaafka Carabta.

Galmudug ayaa shaacisay in go'aankeedii dhex-dhexaadnimo, ee Dowladda Federaalka Somaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka uu ahaa mid aysan kala tashin Maamul goboleedyada dalka, sidaasi darteedna ay iyagu la safteen Isbahaysiga Sacuudiga.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in danta shacabka Somaaliya ay ku jirto inay taageeraan Sacuudiga iyo Xulufadiisa, maadaama uu kala dhaxeeyo xiriir Taariikhii ah iyo mid Istaraatiiji ah oo aad u qota dheer.

Galmudug ayaa ugu baaqday dowladda Dhexe inay bedesho Mowqifkeedii hore, iyadoo eegayso dareenka maamul goboleedyada iyo maslaxada shacabkeeda, maadaama Sacuudiga iyo Imaaraadka ay yihiin dowlado wax badan u qabtey dalka.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan, ayaa sheegay Shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka ee lagu qabtay Muqdisho inay ka sheegeen in Somaaliya aanay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadan karin arrimaha Khaliijka, loona baahan yahay in lala safta Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Inta badan maamullada dalka ayaa la saftay Sacuudiga iyo dalalka kale ee xiriirka u jaray Qadar bishii June, waxaana tani ay cadaadis saaraysa dowladda Dhexe, oo noqotay mid kaligeed meel soo istaagtay.

Puntland iyo Koonfur Galbeed Somaaliya ayaa horey sidan oo kale uga hor yimid go'aankii dowladda Federaalka ee Khilaafka Khaliijka.

Hoos ka akhri War Saxaafadeed oo Luuqa Ingiriiska ku qoran:

GAROWEONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM