Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Image

Calmiskaat, Puntland – Mas’uuliyiinta ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in kooxda Daacish ay habeenimadii xalay weerar ku qaadey saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Dhasaan, balse ay ciidamada ammaanku iska caabiyeen weerarkaasi.

Sida ay sheegeen saraakiisha, weerarka ayaa dhacay abbaaro 1:30 habeenimo, waxaana durba la kulmeen argagaxisadda jawaab adag oo kaga timid ciidamada ammaanka ee halkaas ku sugan, waxaana laga dilay dhowr xubnood oo meydadkooda lasoo bandhigay maanta.

Ugu yaraan afar ka mid ah maleeshiyada Daacish ayaa lagu dilay iska horimaadka, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, kuwaas oo ay  ku jiraan xubno sare oo ajnabi ah. Hal askari ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah ee kasoo baxday Ciidanka Puntland.

Dhasaan ayaa ku taalla buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari, halkaas oo muddo shan bilood ah ay ka socdeen howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish, kuwaas oo Puntland uga adkaadey dagaalka, kana saartay dhulkii ugu ballaarnaa.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish ee deegaannadaas ku dhuumaaleysanaya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in heer gebo-gebo marayo wajiga 3aad ee howlgalka Hilaac, loona gudbi doon howlgal cusub oo Onkon loo bixiyay oo ku wajahan Al-Shabaab-ka ku sugan buuraha gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM