Qabyo-tirka dastuurka Soomaaliya oo laga shiray xilli uu khilaaf ka jiro

Image
Qaar kamid ah maamulada dalka iyo mucaaradka ayaa geedi socodkan waxay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha Guddiyada ku howlan dib-u-eegista Dastuurka ayaa warbixin ka siiyay Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa la tashiyadii iyo soo jeedinta waxka bedelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka oo hadda maraya wajigii 2aad.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay una mahadceliyay Guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM