Qadar oo laga digay in ay Soomaaliya "u gowracdo" Kenya

Image

NEW YORK, USA - Tuhunka ka dhashay socdaalka wafdiga reer Qadar ee socdaalka ku maray dalalka Geeska Afrika ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa isa soo taraya wallow ay dowladuhu hoos-u-dhigeen wararka la isla dhexmarayo.

Hadalheynta ugu xooggan ayaa soo ifbaxdey markii maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo uu dhexdhexaadinta Dooxa kusoo celiyey cilaaqaadka Nairobi oo December, 2020 uu u jaray sheegasho "faragelin arrimaha gudaha".

Go'aanka soo celinta xiriirka waxaa ka dhashay shaki ku saabsan in Dooxa ay sidoo kale ka shaqeyneyso in wadaxaajoodyo lagu dhameeyo dacwadda badda ee hortaala ICJ lana filayo in go'aankeeda uu soo baxo.

Inkasta oo xukuumadda xilgaarsiinta ay si xooggan u beenisay warbixinadaas sii xoogeysanaya daqiiqadba tan kasii dambeysay, haddana Villa Soomaaliya ayaa lagu booriyey in dhankeeda ay si rasmiya uga hadasho.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeeda ayaa si toos ah ugu booriyey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo in uu shacabka la wadaago aragtiisa ku aadan arrintaas.

Mr Samatar oo barre ka ah Jaamacad ku taala dala Mareykanka su'aalna geliyey sheegashooyinka wafdiga Qadar ayaa cod dheer wuxuu kaga digay in ficiladda Dooxa ay Soomaaliya baylo u dhigaan dhigeeda dalka Kenya.

"Haddii arrintaas [gorgortanka dacwadda badda] ay run noqoto waa mid laga qariyey dadka taasna waxay ku tuseysaa in afartii sano ee lasoo dhaafay ay Qadar ka shaqeysaneysay Soomaaliya oo aysan u shaqeynayeyn dadka Soomaaliyeed iyaddoo la leeyahay lacagta uu kalkii hore ninkan [Farmaajo] kusoo baxay iyaddaa bixisay. Maantana haddey dooneyso in ay Kenya inoo qasho [gowracdo], umadda Soomaaliyeed waa in ay cadaataa [in aysan ka shaqeynayn danahooda," ayuu u sheegay Universal Tv.

Sida laga soo xigtay Samatar, haddii ay dhacdo in Farmaajo uu ka laabto dacwadda badda iskuna dayo in uu wadaxaajood geliyo qaddiyadan waxay ku noqoneysaa "jariimo weyn uuna noqonayo khaa'inul waddan".

"Haddii Farmaajo uu ka laabto dacwadda badda waxay noqoneysaa jariimo weyn, wuxuuna noqonayaa 'khaa'inul waddan'. Wixii dhacay labadii bilood ee lasoo dhaafay baa noqonaya 'iqarso' marka waa in uu dadka hor-yimaado kana saaro tuhunka ka dhashay socdaalka wafdiga Qadar oo waxay sheegeen iyo waxa soo ifbaxaya ay kala duwan yihiin," ayuu ka dhawaajiyey.

Kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya oo taagan tan iyo 2014-kii ayaa waxaa xuduntiisu tahay aag ku yaala xadka badda labadda dal halkaasoo hoddan ku ah nooc kamid ah kheyraadka dabiiciga ah oo kala ah; Gaas iyo Shidaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles