Qalbi-dhagax oo gaarey Dhuusamareeb, loona diiday Cadaado

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAAREEB - Cabdikariim Qalbi Dhagax, oo katirsan hogaanka sare ee Jabhadda ONLF, ayaa maanta oo Talaado ah gaarey magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta maamulka Galmudug, bartamaha dalka Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Galmudug, dadweyne iyo madaxda maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa Qalbi Dhagax kusoo dhaaweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada, waxaana la dejiyay City Hotel.

Qalbi Dhagax oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa la filayaa inuu Dhuusamareeb kula kulmo mas'uuliyiin maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada halkaasi ku nool.

Wararka ayaa sheegay in Qalbi Dhagax markii hore safarkiisa ku wajahnaa magaalada Cadaado, oo hadda u shaqeeyo garabka kasoo horjeeda Madaxweyne Xaaf, balse madaxda Galmudug ay kahor istaageen, una leexiyeen Dhuusamareeb.

Qalbi Dhagax oo dhawaan laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ayaa waxaa sanadkii tagey laga qabtey gobollada dhexe, iyadoo kadib ay dowladda Soomaaliya u gacan-celisay Sirdoonka Itoobiya, isagoo laga dhoofiyay Muqdisho.

Harageysa, Boosaaso iyo Gaalkacyo ayuu horey usoo booqday, waxaana socdaalkiisa kusoo afjari doonaa degaanada Galmudug, iyadoo wareysi uu bixiyay ku sheegay inuusan booqan doonin magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM