UN: Macaluul ayaa albaabka usoo garaacaysa Soomaaliya

Image

NEW YORK, (GO) - Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay dawanada qeylodhaanta macaluusha ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in wixii loo gaaro bisha 12 aad ee sanadka ay Soomaaliya ka dilaacayso macaluul oo ah heerka ugu xun ee abaarta, taas oo ka dhigan in dadka ay safsaf u dhimanayaan gaajo awgeed.

Madaxa hay’adda cuntada adduunka WFP Martin Griffiths ayaa argagaxa iyo qaadan waa ku sheegay waxyaabihii uu indhihiisa kusoo arkay markii uu booqday xerooyin ku yaala meelo ka mid ah dalka , wuxuuna yiri “macaluul ayaa albaabka u taagan Soomaaliya “.

Ku dhowaaqista macaluusha ayaa waxaa horey isugu fahmi waayay ergeyga abaaraha ee Soomaaliya iyo Xukuumadda, balse hadda waxaa muuqata In xaaladda ay aad uga dartay.

WFP waxa ay sheegtay in ay gargaar gaarsiisay 3.7 milyan oo qof, tiradaas oo ah tiradii ugu badnayd.

Waxyaabaha xaaladda uga sii daraya ayaa waxaa ka mid ah qiimaha cuntada oo aad sare ugu sii kacaya gudaha Soomaaliya, iyo xayiraad Alshabaab ay ku hayso cuntadii loo geyn lahaa dadka tabaalaysan.

Mr Griffiths ayaa magaalada Baydhabo ku tilmaamay ubucda macaluusha , isaga oo sheegay in carruurta nafaqo daro awgeed xitaa aysan hadli karin.

Hay’adda daryeelka carruurta ee unicef ayaa iyadana sheegtay in 730 carruur ah ay nafaqo darro ugu dhinteen xarumaha and quudinta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM