QM oo ku dhawaaqday mowqifkeeda doorashada Jubbaland

Image

KISMAAYO, Soomaaliya – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo markii ugu horoeysay waxay caddeysay aragtideeda ku wajahan doorashadda Jubaland.

Cod-bixinta oo kala ah tan baarlamaanka iyo madaxtooyadda ayaa waxaa loo balansan yahay in siday u kala horeeyan u qabsooman Julaayo iyo Agoosto.

Bintou Keita, kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, oo todobaadkan booqasho ku timid waddanka Soomaaliya ayaa waxay tegtay Kismaayo.

Xubno uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland, Cabduqaadir Maxamed Yuusuf ayay kulan albaabada u xiran la yeelatay.

Kulanka kadib, Keita ayaa waxay shaacisay in ujeedka socdaalkeeda uu ahaa ukuur-geliyada xaqiiqada ka jirtay xarunta ku meel gaarka Jubbaland.

War qoraal ah oo uu UN-ka soo saarey kadib safarkeeda ayaa lagu sheegay in ay rajeynayaa in doorashada Jubbaland u qabsoonto si cadaalad oo xor ah.

Booqashadda Keita ay ku timid Soomaaliya ayaa ahayd tii ugu horeysay oo ay waddanka ku timaado tan iyo markii jagadaasi loo magacaabay sanadkan.

"Waxaan u yimid dalka Soomaaliya iyo qaaradda Afrika si aan u ogaado qaabka aan u wada shaqeyn karno." ayey tiri, sida ku cad bayaanka oo uu arkay GO.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa imaanaya iyada oo hogaanka Jubbaland uu ka digay farogelin ay coddeynta ku sameyso dowladda federaalka.

Madaxtooyadda ayaa aad ugu mashquulsan sidii ay doorashada uu ugu soo bixi lahaa murashax daacad u ah ayna daaqada ka saarto Axmed Madoobe.

Midowga Afrika, Ingiriiska, Mareykanka iyo wadamo kale ayaa horey uga dhawaajiyey in ay doonayaan in doorashadda Jubbaland ay u qabsoonto si daah-furan oo nabad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM